Somaliland: Wasiir Biixi Oo Ethiopia Kaga Qayb Galay Shir Ay Wada Jir U Qabteen China, Ethiopia iyo Bangiga Aduunku

Date:

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland, Maxamed Biixi Yoonis, ayaa sharaxaad ka bixiyay nuxurka kulamo uu la qaatay Maalqabeenno danaynaya inay Somaliland maalgashadaan. Waxa uu sheegay inuu ka qayb galay shir lagu qabtay Ethiopia oo ay ka qayb ahaayeen kambaniyo badan oo Chiness ah.

“Waxaan magaalada Addis Ababa ee Itoobiya kaga qaybgalay shir wayn oo ay isugu yimaadeen 140 kambani oo ah kuwa ugu waawayn waddanka China, kaas oo ay wada qabteen dawladaha Itoobiya iyo China oo uu ku wehelinayey Baanka Adduunka.

Waxaan halkaa kula kulmay dad fara badan oo maalqabeenno ah oo raba inay maalgashi ku sameeyaan Somaliland, gaar ahaan jidadka, laydhka, dariiqa koridoorka (waddo la doonayo inay isku xidho Berbera iyo Itoobiya) iyo biyaha, kuwaas oo ay aad iyo aad u muujiyeen inay kalgacal u hayaan, maadaama Somaliland tahay waddan xasilloon oo nabad ah inay maalgashi badan geliyaan, annaguna insha Allaahu waannu la sii wadi doonnaa,” ayuu yidhi Md. Maxamed Biixi.

Dhinaca kale, Wasiirka Khaarajiga oo dalka ku soo laabtay galinkii dambe ee Khamiistu waxa uu xusay inay kulamo dhexmareen madaxda dalka Jabuuti oo wefti uu hoggaaminayey ka qaybgaleen dabbaaldegga sannad-guurada 38-aad ee ka soo wareegtay xornimadooda, isagoo ka mahadceliyey soo dhawayn iyo qaabilaad wanaagsan oo loo soo sameeyey.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...