Boko Haraam oo ku dhowaad 150-qof ku diley dalka Nigeria

Date:

Maleeshiyo loo maleynayo in ay ka tirsan yihin Ururka xagjirka ah ee Boko Haraam ayaa lagu soo waramaya in ku dhowaad 150-qof ku dileen weeraro ka dhacay dalka Nigeria.

Weeraro todobaadkan ka dhacay Waqooyi-Bari ee dalkaas ayaa dad rayid ah oo badan ay ku nafwaayeen.

Weerarkii u horeeyay ayaa ka dhacay meel ku dhow webiga ku yaalla xadka Nigeria iyo Chad galabnimadii arbacada, waxaana ku dhintey 97-qof oo ay ku jiraan haween iyo caruur.

Talaadadii, maleeshiyo mintidiin ah ayaa toogasho ku diley 48-qof oo wada rag ah kadib markii ay kasoo baxeen salaad ay soo tukadeen. Waxaa la sheegay in ay sii daayeen haween iyagana masaajidka kasoo baxay.

Weeraradan ayaa imaanaya xilli lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan iyadoo kooxda Boko Haraam ay inta badan ku doodo in ay dalka Nigeria ka hirgeliyaan shareecada Islaamka, waxaana weeraradan u dambeeyay dadka la diley u badan yihin muslimiin.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...