Somaliland: Imaaradka Carabta Oo gawaadhi gaashaaman ugu deeqday ciidamadda Somaliland

Date:

Waxa Maanta Labadii Duhurnimo kusoo xidhay Dekedda Barbara Markab Siday Deeq Dawladda Imaaradka Carabtu  ugu Deeqday Ciidamadda Somaliland, Deeqdan oo ka koobnayd hub iyo saanad milateri oo casri ah ayaa lagu wareejiyay Dawladda Somaliland.

deegdan ayaa daba socotay Socdaal uu Madaxweyne Silaanyo Bishii hore ku tagay Dalka Imaaraadka Carabta, kaas oo Madaxweyne Silaanyo ku Tilmaamay Guul iyo Horumar u soo hoyday Somaliland.

Saanaddan Milatari ayaa isugu Jirta Gawaadhidda Gaashaaman ee Dagaalka, Toyota/LandCruisers, Kaarayaal, beebeeyo Casri ah, Gawaadhida Xambaraa Gadiidka Gashaaman iyo Ciidamaddaba sidoo kale Hub Casri ah, Motooyin iyo Qalabka ciidanka ee ka hortaga Mudaharaadyadda iyo Qalab kale oo Boolis.

Deeqdan Milatari ayaan noqon doonin tii ugu Dambaysay ee Dawladda Imaaraadku ugu deeqi doonto Ciidamadda Somaliland, sida uu sheegay mid ka mid ah musuuliyiintii wareejinaysay Deeqdu.

Munaasibadda oo lagu Qabtay Dakadda Berbera ayaa waxa ka qayb galay Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sareeyo Guuto Mud. Cabdilaahi Fadal Iimaan, Taliyaha Ciidamadda Badda Somaliland, Janaraal Maxamed Xuseen Faarax Xiirane, Sidoo kale waxa kasoo qayb galay Maamulka Gobolka Saaxil.

Goobta Munaasibaddu ka dhacay oo aan loo ogolayn in waxa sawiraan ah la qaado ayaa waxa noo suurto gashay inaanu dhawr Sawir helno.

Hoos ka Daawo Qaar kamid ah siwiradda.

image4047image4048image4049image4049 (1)

 

 

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...