Egypt: Xeer illaaliyihii guud oo lagu dilay weerar bambaano

Date:

Xeer illaaliyihii guud ee dalka Masar Md.Hishaam Barakat ayaa isniintii shalay lagu dilay weerar bambaano oo ka dhacay caasimada Masar.

Weerarka bambaano oo ka dhacay Qaahira ayaa lala beegsaday kolonyo gawaari ah oo uu la socday xeer illaaliyaha Hisham Baraka too 65 sano jir ahaa.

Masar-Qarax-xeerillaaliye-1

Mas’uulkan ayaa xilka loo magacaabay sanadkii 2013 kadib inqilaabkii xilka looga tuuray dowladii la doortay ee Madaxweyne Maxamed Morsi.

Hisham Barakat ayaa hogaanka u hayey maxkamadeynta xubnaha xisbigii Ikhwaan muslimiinka Masar oo uu kamid ahaa Madaxweynihii la inqilaabay Maxamed Morsi, sidoo kale waxaa xeer illaaliyaha lagu eedeeyn jiray inuu qeyb weyn ku ololaha lagu siideynayo Madaxweynihii hore Maxamed Xusni Mubarik.

Barakat ayaa la sheegay in dhawaan ay ugu hanjabeen dil kooxda ISIS (Daacish) kadib markii dil lagu xukumay lix nin oo dabley ahaa.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...