Italy: Meydadka 800 tahriibayaal oo bada laga soo saarayo

Dowlada Talyaaniga ayaa isniintii shalay bilowday hawlgal ay dooneyso inay kusoo saarto meydadka Tahriibayaal gaaraya 800 kuwaasi oo bada ku dhintay sadex bilood kahor.

Meydadka tahriibayaasha ayaa la sheegay inay weli saaran yihiin doonidii ay la socdeen oo bada ku degtay, waxaana hawlgalkan ka qeyb qaadanaya sadex Markab oo uu leeyahay militariga Talyaaniga oo doonaya in doonidan ay kasoo saraan bada hoosteeda si loo aaso meydadka dadka weli halkaasi ku jira.

Axadii iyo Isniintii shalay ayey ciidamada Talyaaniga markale soo badbaadiyeen dad gaaraya 4000 tahriibayaal ah, waxaana tahriibayaashaasi u gurmaday maraakiibta laga leeyahay dalalka Talyaaniga, Sweden iyo Spain.

Xukuumada Talyaaniga ayaa ku dhaliiceynaysa dalalka kale ee Midowga Yurub inaysan sidii la rabay uga qayb qaadan badbaadinta dadka tahriibayaasha ah, Raysalwasaare Metteo Renzi ayaa sheegay in ay doonayan inay soo saaraan dhamaan meydadka bada ku hoos jira si caalamka u arko musiibada ka taagan bada Meditareeniyanka.

Comments

comments