Somaliland: Muuse Biixi Oo Mucaaradkaa Ugu Baaqay Inay Qayb Ka Qaataan Ku Qancinta Guurtida Ee Wakhtiga Doorashada

Hogaamiyaha Xisbi xaakimka Kulmiye, Muuse Biixi Cabdi, ayaa ku dooday in mucaaradku ka cago jiiday sidii golaha guurtida loogu qancin lahaa in doorashooyinka la qabto December 2016, lagana noqdo muddo kordhintii guurtida ee ahayd in doorashada la qabto sanadka 2017-ka.

Muuse Biixi oo ka hadlayay shir jaraa’id oo Kulmiye iyo xukumaddu wada jir ugu qabteen qasriga madaxtooyada ayaa sheegay in arrinta ku qancinta guurtida ee ah heshiiskii asxaabta iyo xukumaddu yahay mid u wada yaal Mucaarad iyo xukumaddaba.

[quote]Guddoomiye Muuse Biixi waxa uu sheegay in guurtidu ka hor heshiiska diiday inay aqbasho “Waa la isku yimid, guurtidu halkii bay nagaga xanaaqday oo waxay yidhaahdeen anagu go’aan sharci ah baanu gaadhnay, markii horena waydinkii heshiin waayay ee qoladiinan xisbiyadow dalka ha wareerinina, sidii baanay ku maqan yihiin”.[/quote]

Waxa uu intaasi raaciyay “Hadda waxaanu ugu taag la nahay xisbiyada Mucaaradka ah, waar wixii aynu doonaynay ilayn inagaa danta lehe ina keena oo odayaasha wada qancinee, hal khalad ah bay umadda ka dhaadhiciyaan oo ah Madaxweynuhu ha saxeexo, Madaxweynuhu muxuu u saxeexayaa?,Madaxweynaha, Kulmiye, Waddani iyo Ucid way u siman yihiin arrintan, anigaa doonayna doorasho, guurtiduna markii ay qabasho lahayd inagaa sii daynay, maantana waxaa la inaga rabaa inaan guurtida nidhaa arrintaas dib noola qaata” ayuu yidhi Muuse Biixi.

[quote]Guddoomiyaha Kulmiye oo la waydiiyay in arrintaasi dastuurka jabinayso ayaa yidhi “Dastuurka jabin mayso ee waa codsi. Adeer waxyi maaha waxa waxa la yidhaahdaaye waxaanu is tusaynaa wixii aad gaadheen dan ka dhaw haddaanu helnay oo si qancinay shariciga idinkaa lehe nala qaata ayaanu idin leenahay, codsi iyo waxaanu idiinla imanaynaa talo laakiin, xaggayagii bay ka qabyo tahay oo nimankii mucaaradka ahaa waxay nala soo taagan yihiin caalamka ayaanu u yeedhaynaa, caalamku halkan kama taliyo ee wuu ina caawiyaa, qodobka labaad maxakamad hala geeyo ma guurtidaynu maxakamad gaynaa?”[/quote]

Guddoomiyaha Kulmiye waxa uu sheegay in Madaxweyne Siilaanyo ka mid yahay Kulmiye arrintanna aanay ahayn mid isaga ama Kulmiye gaar u saaran ee ay tahay xil mucaarad iyo muxaafadba saaran sidii guurtida codsi loogula tagi lahaa laguna qancin lahaa wakhtiga doorashada ee asxaabta iyo xukumaddu isla garteen.

Comments

comments