Somaliland: Masuuliyiinta Warfaafinta Oo Booqasho Ugu Tegay Abwaan Sooraan Oo Xanuun U Jiifa Hargaysa

Date:

Masuuliyiinta ugu saraysa wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta ee Somaliland ayaa maanta booqasho ugu tegay sheikh C/laahi Diiriye Sooraan oo muddo dheer si weyn uga dhex muuqday fanka Soomaalida oo xanuun dhawaan ku soo booday u jiifa cusbitaalka ku yaala magaaladda Hargaysa.

Masuuliyiintaasi oo kala ahaa wasiirka warfaafinta C/laahi Maxamed Daahir (cukuse), wasiir ku xigeenka Shugri Xariir Ismaaciil iyo agaasimaha guud Maxamed Cilmi Aadan (ilkacase), ayaa halkaasi ugu duceeyay sheikh Sooraan, iyagoo ILLAAHAY uga baryay in uu ka caafimaadkiisii u soo celiyo.

Wasiirka Warfaafinta C/laahi Maxamed Daahir (cukuse), ayaa si kooban uga waramay doorkii uu sheikh C/laahi Diiriye Sooraan ku soo dhex lahaa fanka iyo suugaanta Soomaalida, isagoo dhinaca kalena wasiirku ILLAAHAY uga baryay sheikh Sooraan iyo dhamaanba umadda islaamka ah ee xanuunsanaysa in uu caafimaad sareecan ah siiyo fadliga bisha barakaysan ee ramadaan awgeed.

Waxaanu yidhi “Sooraan, waa abwaan weyn, waa fanaan, waa sheikh imika, wuxuuna ka mid yahay culimadda waa weyn. ILLAAHAY waxaanu uga baryaynaa xanuunkaasi kediska ah ee ku yimid, halyeygeenaasi magaca bulshadda ku dhex lahaa, in uu caafimaadkiisii u soo celiyo”.

Waxaanu intaasi ku daray. “Waxaanu ka baryaynaa ILLAAHEENA macbuudka ah ee weyn in uu abwaankeenaa iyo inta kale ee jilicsan ee bugtaba fadliga bisha barakaysan ee Ramadaan ILLAAHAY in uu caafimaadkoodda u soo celiyo, inta kalena uu caafimaadkoodda u sii wanaajiyo, intii dhimatayna uu u naxariisto. ILLAAHAY waxaanu ka baryaynaa in uu isaga iyo intii kale ee bugtaba caafimaadkoodii u soo celiyo” ayuu yidhi wasiir Cukuse.

Sheikh C/laahi Diiriye, ayaa dabayaaqadii bishii hore uu xanuun ku soo boodo ahi ku dhacay, kaasi oo ka haleelay Lug iyo gacan iyo madaxa. iyadoo markaa wixii ka danbeeyay uu ku jiro xaalad miyir-doorsoon ah, isla markaana la jiifiyay cusbitaalka la yidhaahdo Hargeisa Neurology oo ku yaalla magaaladda Hargaysa, halkaasi oo lagu daaweynayo.

Dhinaca kale Sheikh C/laahi Diiriye, ayaa ka mid ahaa ragii kaalinta weyn iyo doorka muuqda ka soo qaatay hal-abuurka, fanka iyo masraxiyadda Soomaalida, oo uu muddo dheer ku soo dher jiray, hase yeeshee sheikh Sooraan ayaa dhawr iyo tobankii sanadood ee u danbeeyay u leexday dhinaca diinta, isla markaana waxa uu hadda Mu’adin ka ahaa masaajidka loo yaqaano Nakhiil oo ku yaala badhtamaha caasimadda Somaliland ee Hargaysa.

Sheikh Sooraan, ayaa mudadii uu fanka ku jiray waxaa uu hormood ka ahaa raga hibooyinka badan ee dhinaca fanka ah isku darsaday, sida in uu heesaha ku luuqeeyo, curinta heesaha iyo riwaayadaha, jilista riywaayadaha. Isagoo curiyay heeso aad u badan iyo dhawr riwaayadood oo ka mid ah kuwa sida weyn u caan-baxay bulshadda Soomaalidda dhexdeedda.

Waxaanu hal-abuuray heeso badan oo ka mid ah kuwa loogu jecel yahay dhegaysigoodda guud ahaanba geyiga Soomaalida, sidoo kale waxa uu Sheekh Sooraan sameeyay riwaayado aad u can-baxay oo ka hadlaya qisooyin dhab ah iyo waxyaabo waaqici ah. Iyadoo ay aad u badan yihiin heesaha iyo riwaayadaha uu leeyahay Sheekh C/laahi Diiriye Sooraan.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...