Gudoomiyaha ahna murrashaxa madaxwayne ee xisbiga WADDANI Dr Cabdiraxmaan Cirro ayaa munaasibad uu khudbad ka jeedinayey oo xilalka loogu kala wareejinayey gudoomiyihii gobolka Maroodi-jeex ee xisbiga WADDANI Siciid Bustaale iyo gudoomiyaha dhawaan uu Murrashax Cirro magacaabay Xuseen Aadan Cadde ayaa waxa uu kaga dhawaajiyey in xukuumadda Somaliland ay ku fashilatay adeegyadii ay shacabka Somaliland u haysay.

Gudoomiye Cirro ayaa ka dhawaajiyay in sicir bararka xadhkaha goostay ee dalka ka taagan ay dabada ka riixayso xukuumadda Somaliland,isaga oo sidoo kale ugu baaqay bulshada gobolada Maroodi-jeex iyo Togdheer inay qaataan kaadhadhka codbixinta ee Dhawaan ka bilaabmaysa goboladaasi.