Somaliland: Wasiir Caddami Oo Ka Hadlay Halka Uu Ku Dambeeyay Ciidankii OPU iyo Mawqifkiisa Kooxda Khaatumo iyo Puntland

Date:

Wasiirka Wasaaradda Gaashandhiga Somaliland Axmed Xaaji Cali Caddami, ayaa ka hadlay halka ay ku dambeeyeen Ciidamada OPU-ga ee loo tababarayey Shirkadaha sahaminta Shidaalka ka bilaabaya Somaliland.

Wasiirka Wasaaradda Gaashandhiga Somaliland Axmed Xaaji Cali Caddami, oo Wargeyska Geeska Afrika wareysi gaar ah siiyey ayaa sidoo kale digniin u diray maleeshiyaadka Khatumo iyo Puntland, waxa uu Khatumo ku tilmamay inay tahay Jabhad duurgaleen ah, halka uu Puntland ugu baaqay inay xadkeeda ku eekato, “Khatumo waa Jabhad duur gal ah, wax faa’iido ah oo ay qaadaysaana ma jirto, wakhtigii jabhadahana waa la soo dhaafay, qolada Puntland weynu is ognahay weynan u sheegnay, weyna ogsoon yihiin mawqifkayga, Nin ama laba Nin oo halkan ka tagay oo danaystayaal ahi inay wax isku dhuftaan oo halkaas khasaare ka dhasho Adduunkuna yidhaahdo halkaas dagaal ayaa ka socda waxba loo qaban waayo inaga iyo iyaga midna faa’iido uguma jirto, Siyaasad cad oo la iskaga hor iman karo waa laga wada hadli karaa, laakiin dhumaalaysi uu dhabarku muuqdo iyagana dani uguma jirto inagana dani inooguma jirto, Maamulkooda oo dhana wax uu u dhan yahay maaha ee waa shaqsiyaad, Nin dab la wareegaya oo war xumo tashiil ahi inuu dab huriyo, colaadna abuuro maaha, haddii aan waxyaabahaas laga waantoobina waxaas carab ku dhacaya ayaa inagu dhici doona”.

Wasiir Caddami ayaa mar uu ka hadlay socdaal uu Taliyaha Ciidanku Qaranku ku tagay Gobolada Barri,

[quote]ayaa  yidhi “Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland dhawaan socdaal uu ugu kuurgalayo xaalada Ciidamada ayuu ku tagay Ciidamada jiida ee Gobolada Barri, Ciidamada Qaranka Somaliland waa Ciidamada, dalkooda iyo dadkooda mar walba heegan u ah, diyaarna u ah inay dalkooda ka difaacana cadawga, markaas wax kasta oo la wado iyo wax kasta oo la sameeynayo, haddii ay Umaddu isku xidhan tahay oo ay midaysan tahay, cadawgana meel ugu soo wada jeedsato cid soo holin kartaaba ma jirto, waxaana muhiimadu tahay inay mar walba Ciidamadooda kala duwan la shaqayeen”.[/quote]

Wasiir Caddami ayaa mar aanu wax ka weydiinay halka ay ku dambeeyeen Ciidamadii OPU-da ee loo tababarayay Shirkadaha Shidaalka  ayaa yidhi “Qofka wax walba tuhunsani isaga ayaa cid walba ka dambi badan, mar walba maluhu waa iska malo-awaal, markaas Ciidamadii waxa ay Siyaasiyan ku xidhnayd inay xagga sare ka soo dhammaato, iyaga tababarkooduna waxa uu qaadanaya inta uu qaato tababarka Ciidamada kale, Ciidamo tababarani wey joogaan, waxaana loo baahan yahay inay ka soo dhammaato xagga sare, walina wax ayaa ka hadhay, oo wali dhinaca Shirkadaha iyo dhinaca Dawladda ayaanay ka dhammaanin hawshoodii”.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...