Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, ayaa dalka dib ugu soo laabtay kadib markii uu soo dhammaystay socdaal laba cisho qaatay oo uu ku tagay dalka Ethiopia.
Madaxweynaha waxaa lagu soo dhaweeyay Madaarka Cigaal,halkaasi oo uu warbixin kooban oo saxaafadda uu siiyay ku sheegay in safarkiisu ku soo dhammaaday guul iyo is afgarad “Waxaan laba cisho ku maqnaa dalka Ethiopia, waxaanan is aragnay ra’isal wasaaraha Ethiopia, waxaanu ka wada hadalnay in la xoojiyo xidhiidhka labada dal iyo in la xoojiyo hawlaha inaga dhexeeya oo xagga nabad galyada iyo dhinac walba ku shuqul leh, markaa safar wanaagsan oo is afgarasho leh ayaa noo dhacay.waxaan rajaynayaa in marba marka ka dambeysa xidhiidhkeenu sii fiicnaado, dalalka jaarka waxaa ina dhexeeya wada shaqayn nabad galyada Iyo dhinaca dhaqaalaha ah iyo wixii kale ee inaga dhexeeyaba. Markaa in ma walba xidhiidhka la joogteeyo way wanaagsan tahay,waxaana noo dhacay safar wanaagsan oo wax ku ool ah, inaanu halkaas ka sii wadnana waanu rajaynaynaa,” ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland.
Madaxweynaha iyo suxufiyiinta
Madaxweynuhu marka uu dhammaystay warbixintiisa oo qaadatay ilaa 50 ilbidhiqsi(inka yar hal mirir), isagoon ka dhaqaaqin Mimbarka uu saxaafadda kula hadlayay waxaa cidhiidhsaday Afhayeenka Madaxweynaha oo iskaga gudbaya su’aalo suxufiyiintu u hollatay inay Madaxweynaha waydiiyaan waxaanu ku tiraabay “Aad buu madaxweynuhu u mahadsan yahay, Madaxweyne Orod iska tag..aad buu madaxweynuhu mahadsan yahay” waxaana intaas ka dib suxufiyiintu codsadeen inay Madaxweynaha su’aalo waydiiyaan balse madaxweynaha ayaa goobta ka dhaqaaqay waxaana hadalkiisa sii watay Afhayeenka “Waar jooga, waar jooga, laba cisho oo kaliya ayuu inaga maqnaa madaxweynuhu markaa way dhammaatay, khalaas khalaas, waar way dhammaatay way dhammaatay!!” ayuu yidhi Afhayeen Dhuxul, waxaana isna Goobta Madaxweynuhu ka dhaqaaqay sii taagnaa wasiir Xirsi oo isagoo Suxufiyiinta la hadlaya yidhi “Dorraad buu madaxweynuhu idinka tagay maad su’aalaha waydiisaan?”
Shir Jaraa’id oo wariyeyaashu qabteen
Intaas kadib saxafiyiinta ku sugnaa Madaarka ayaa qabtay shir jaraa’id oo ay ku diidan yihiin qaabka wasiirada iyo Afhayeenku isu hor taagaan su’aalaha madaxweynaha la waydiin lahaa. Waxay balan qaadeen inay ka arrinsan doonaan arrintan islamarkaana aanay dib u qaadan doonin war su’aalo la’aan ah, iyagoo ku doodiyay inaanay waxba ka duubi doonin safarada madaxweynaha.
Madaxweyne Siilaanyo, ayaa safarraddiisii u dambeeyay inta badan laga hor istaagay Saxaafadda oo danaynaysay inay su’aalo ka waydiiso hawlaha qaranka iyo xilka uu umadda u hayo.
Afhayeenka Madaxtooyada Axmed Saleebaan Dhuxul iyo Wasiirka warfaafinta Cabdillaahi Cukuse, ayaa safarkii madaxweynuhu dhawaan kaga soo laabtay dalka Imaaraadka waxay saxaafadda u sheegeen inaan Madaarka madaxweynaha su’aal lagu waydiinayn balse shir jaraa’id uu qaban doono.
Afhayeen Dhuxul oo maalintaasi cudur daar u samaynaya diidmada su’aalaha madaxweynaha ayaa yidhi “Ma Diidani In Su,aalo Madaxweynaha La Weydiiyo Lakiin Marka Boqol Saxafi Ay Halkaasi Yimadaan Oo Qaar Badan Oo Ka Mid Ahi Macno Ahaan Garanayn Su,aasha Ay Weydiinayaan Saxaafada Waa La Yaqaana Oo Saxaafad Faro Badan Ayaa Jirta Lakiin Haddii Ay Saxaafadu Is Habeyso Wixii Dalka Wanaag Ah Iyo Dhaliilo ahba ee ka jira In Madaxweynaha La Weydiiyo Waa Mid Caadi Ah”