Ethiopia: Raysal Wasaaraha Itoobiya oo Kulan La Yeeshay Madaxweynaha Somaliland

[quote]“Waxaanu ka Wada Hadalnay Raysal wasaaraha sii xoojinta Iskaashiga iyo danaha labada dal”[/quote]

Raysal wasaaraha dalka Itoobiya Md. Hailemariam Desalegn, ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula yeeshay Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo weftigiisii oo socdaal shaqo ku jooga wadanka Itoobiya.

Kulankaasi waxay Madaxweynaha Somaliland iyo Raysal wasaaraha Itoobiya kaga wada hadleen muddo saacado ah oo uu socday kulankaasi qoddobo la xidhiidha sii xoojinta cilaaqaadka iyo iskaashiga labada dal.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa kulankaasi ka dib warbaahinta uga waramay dulucda qodobbadii ay labada Hoggaamiye isla soo qaadeen.

[quote]“Waxaanu Raysal wasaaraha Itoobiya ka wada hadalnay danaha labada dal,xidhiidhka labada dal oo dhinac walba leh ayaanu ka wada hadalnay,Sida arrimaha nabadgalyada,Shir fiican oo aanu aad isu afgaray ayaa noo qabsoomay oo aanu aad iyo aad u soo dhawaynayno,”ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland.[/quote]

“Waanu uga mahad-celinaynaa Raysal wasaaraha Itoobiya sida sharafta iyo qiimaha leh ee uu noo soo dhaweeyay,” ayuu intaas raaciyay madaxweyne Axmed Siilaanyo.

Waxaa Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland ku wehelinayay KulankaasWasiirka Arrimaha Dibeda Somaliland Md Maxameed Biixi Yoonis, Wasiirka Madaxtooyada JSL Md Xirsi Cali Xaaji Xasan, Wasiirka Arrimaha Gudaha Md Cali Maxamed Warancade iyo Xoghayaha gaarka ah ee Madaxweynaha Md Cali Axmed Cali, Wakiilka Somaliland u fadhiya Dalka Ethiopia Amb. Aadan Jaamac Galaal iyo Safiir Ku Xigeenka Safaarada Somaliland ee Itoobiya Ayaanle Salaad Diiriye.

Comments

comments