Somaliland: 274 qof oo Qaxootiga Yemen ah oo soo Gaadhay Berbera

Date:

Dagaalkii ka socday Yemen wali muu joogsan. Sidaas oo kale qaxootigii naftooda kala soo cararayey ma uu joogsan. Sabtidii waxa Berbera soo gaadhay 274 qof oo qaxooti hor leh ah.

Sidii kuwii hore, qaxootigan cusubi waxa ay isugu jiraan 234 Soomaali ah, 34 Yemeniyiin ah iyo 4 Itoobiyaan ah.

Sida aan ka soo xiganay sarkaal ka tirsan dekedda Berbera oo codsaday in aan magaciisa la xusin maadaama aanay shaqadiisu ahayn in uu saxaafadda la hadlo ayaa sheegay in tiradani ay tahay tii ugu badnayd ee qaxooti ah ee hal mar dekedda Berbera ka soo degta.

Sidii uu u bilaabmay dagaalku bishii March ee sannadkan, walow aanay weli Somaliland iyo Hay’adda Qaxootiga ee Qaramada Midoobay UNHCR si rasmi ah u shaacin, tirada qaxootiga ee Somaliland soo gaadhay ayaa lagu qiyaasaa in ay tahay ku dhawaad 10,000 oo qof iyadoo qaarna ay Somaliland ku negaadeen kuwo kale-na u gudbeen dalalkoodii ay asal ahaan ka yimaadeen oo ay Soomaaliya ugu badan tahay.

Qaxootigii soo yimid wixii ka horreeyey 30-kii May oo ka badnaa shan kun oo qof waxa cuntadooda iyo kharashka nooligooda qabay Somaliland. Hase ahaatee markii ay sii wadi kari wayday ayay hal maalin halisay taas oo keentay in markii dambe ay UNHCR ogolaatay in ay caawiso Somaliland-na dhankeeda ogolaatay in qaxootigu iman karo.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...