Somaliland: Wasiirka Ciyaaraha oo Furay Tartanka Kubadda Cagta Ee Garoonka Xawaadle

Wasiirka Dhalinyarrada, ciyaaraha iyo dalxiiska Somaliland Md. Axmed Cabdi Kaahin, ayaa maanta si rasmi ah u furay tartanka ciyaaraha kubadda cagta ee caasimadda ee bisha Ramadaan oo ka bilaabmay Garoonka Xawaadle ee magaaladda Hargeysa.

Xafladii loo sameeyay furitaanka tartankan waxa ka soo qeyb galay Guddoomiye Ku xigeenka xisbiga KULMIYE Md. Maxamed Kaahin Axmed, agaasimaha guud ee Ciyaaraha Maxamed Xuseen Dhabeeye Iyo Guddoomiyaha DAWAN Media Group Maxamed Cismaan Mirre (Sayid), masuuliyiin kale iyo Boqolaal ka mid ah shacbiga caasimadda.
Wasiirka Ciyaaraha Md. Axmed Cabdi Kaahin ayaa sheegay in wasaaradiisu ay soo dhawaynayso tartamadda ciyaaraha ee caasimadda Hargeysa ee lagu maamuusayo bisha Ramadaan, waxaanu maamuleyaasha tartankaasi ku wareejiyay agab ciyaareed oo loogu tallo galay in loo qeybiyo kooxaha heerka koowaad ee tartankan ka qeyb galaya. Tartankan waxa loogu magac daray “Ha Dhibin Qof Dhiban” taasi oo looga jeedo inaanu tartankan ka dhicin wax dhibaato ahi.

[quote]“Waxa aanu maanta (shalay) garoonka Xawaadle ka furaynaa tartankii bisha Ramadaan oo aanu sannad kasta bishan oo kale ku qabanno, ciyaaraha waxa lagaga baxayaa balwadaha kala duwan ee qaadka iyo wixii la mid ah. Waxa kale oo aan doonaynaa in ciyaaraha lagaga baxo oo dhalinyarradu kaga baaqsato tahriibka,”ayuu yidhi Wasiirka Ciyaaruhu.[/quote]

Agaasimaha guud ee wasaaradda ciyaaraha Maxamed Xuseen Dhabeeye oo ka hadlay furitaankii tartankaasi ayaa sheegay in tartamadda noocan oo kale ahi ay ciyaartoyga iyo bulshaddaba muhiimad weyn u leeyihiin, waxaanu tilmaamay inay wasaaraduna ay dhiirigeliso isla markaana ay ka saacido.
Agaasimuhu waxa uu sheegay in wasaaradda Maaliyaddu ay gacan dhaqaale ku lahayd suurto-gelinta tartankan, waxaanu ammaanay Guddiga qaban-qaabisay tartankan.

Guddoomiye Ku xigeenka xisbiga tallada dalka haya ee KULMIYE Maxamed Kaahin Axmed, ayaa sheegay in xisbigoodu dhiirigeliyo horumarinta ciyaaraha iyo guud ahaan sidii dhalinyarradu ay kaalin weyn ugu yeelan lahaayeen tallada dalkaba. Guddoomiyaha Guddida tartanka Garoonka Xawaadle Mr. Mukhtaar Cabdi Aadan, ayaa uga mahad celiyay Wasiirka Ciyaaraha Iyo Guddoomiye Ku xigeenka KULMIYE doorka ay ka qaateen hirgelinta tartankan.

Comments

comments