Somaliland: Taliyaha Ciidanka Qaranka Oo Kormeeray Fadhiisimada Ciidanka Ee Sool

Date:

Taliyaha guud ee ciidamada qaranka Somaliland, Sarreeye Gaas Ismaaciil Maxamed Cismaan(Shaqalle), oo ay weheliyaan saraakiil sarsare oo ka tirsan taliska guud ee ciidanka ayaa socdaal ku soo maray fadhiisimada Ciidanka qaranka ee aagga hore ee gobolka Sool.

Sareeye Gaas Shaqale, ayaa ciidamada qaranka kula dardaarmay feejignaan iyo inay laban laabaan heeganka ay ugu jiraan difaaca dalka, balse waxaanu soo hadal qaadin xiisada dagaal ee ka taagan bariga Laascaanood oo maamulka Puntland ciidamo keenay.

Taliyaha ayaa socdaalkiisa ku maray fadhiisimada ciidanka ee degaannada Xuddun,Gambadhe iyo Kala-baydh “Waxaan gobolkan Sool ku timid socdaal hawleed oo kuwii awal ba aan ku iman jiray ah, kaas oo ujeedadiisu tahay inaanu ciidanka qaranka cutubyadiisa kala duwan ku soo kormeero fadhiisimada, hawshaasi si fiican bay noogu dhacday, waanu soo bookhanay dhammaan fadhiisimada” ayuu yidhi Taliye Shaqalle oo saxaafadda kula hadlay Laascaanood .

Taliyaha ciidanka qaranka Somaliland waxa uu sheegay inay halkaasi ku soo arkeen dhul barwaaqaysan oo Illaahay nimceeyay,waxaanu dardaaran u jeediyay ciidanka qaranka “Dhammaan saldhigyada gobolka Sool waxaan ku hambalyaynayaa hawshaas ay qaranka u hayaan sida xilkasnimada leh ee ay hadh iyo habeen u gudanayaan, waxaanan u soo jeedinayaa inay ka sii kordhiyaan feejignaanta iyo adeegga ay umadda u hayaan ba” ayuu yidhi taliyuhu.

Xiisad Dagaal oo u dhexaysay Somaliland iyo Maleeshiyaadka Puntland

Maleeshiyaadka maamul goboleedka Puntland ayaa isa soo dhoobay meel aan masaafo badan u jirin deegaanka Tukaraq oo ilaa 52-km dhanka bari kaga beena magaalada Laascaanood, halkaasi oo ay ciidamada qaranka Somaliland degenyihiin, waxaanay Puntland abaabulaysaa weerar ay ku soo qaado ciidamada qaranka Somaliland.

Maleeshiyaadkan Puntland ayaa shalay gelinkii dambe bilaabay inay hub ku soo tuurtuuraan ciidamada qaranka Somaliland, waxaanay ciidanka qaranku kaga jawaabeen hub culus oo ay ku ganeen dhinaca maleeshiyaadka Puntland. Xaaladda ayaa markii dambe degtay, waxase taagan xaalad colaadeed oo mar kasta sababi karta dagaal ka dhex qarxa ciidanka qaranka iyo maleeshiyaadka Garowe.

Maleeshiyaadkan oo ah kuwo ururis ah ayaa muddooyinkii u dambeeyay lagu soo dhoobayay deegaanka Tukaraq ee gobalka Sool iyadoo loo soo dhammaystiray sahayda kala duwan sida biyaha, shidaalka iyo gaadiidka dagaalka noocyadiisa kala duwan, waxaana la sheegay in qorshahoodu yahay sidii ay u soo weerari lahaayeen ciidanka qaranka ee ku sugan gobalka Sool.

Hase yeeshee ciidanka qaranka oo helay xogo sirdoon ayaa la sheegay inay iyaguna galeen heegan buuxa oo ay kaga diyaar garoobeen weerar kasta oo kaga yimaada maleeshiyaadkaas.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...