Nigeria:Natiijada codbixinta Nigeria oo maanta la sugayo

Date:

Laba maalmood oo ay codbixin ka socotay dalka Nigeria ayaa haatan waxa isha lagu hayaa natiijada ka soo bixi doonta doorashooyinka, siiba kuwa madaxtinimada oo lagu wado in lagu dhawaaqo maanta oo isniin ah.

Xarunta guud ee la isugu geynayo codadka ee magaaladda Abuja ayaa haatan waxa soo gaaraya codadkii laga soo gudbiyey gobolladda.

Sidoo kale guddiga doorashada waxa uu sheegay in uu baarayo sababta ay u shaqayn waayeen qaar ka mid ah qalabkii lagu codaynayay doorashooyinka, arrintaas oo dib u dhac ka dhashay ay sababtay in maalin kale lagu daro codbixinta.

Waxa aad loo amaanay qaabka ay u dhacday doorashada iyo sida nidaamsan ee ay dadka reer Nigeria codkooda u dhiibteen.

Xogahayha Guud ee QM Banki Moon, Midowga Afrika iyo waddamada ku bohoobay ururka goboleedka galbeedka Afrika ee ECOWAS ayaana ka mid ahaa dhinacyadda amaanta u soo jeediyey Nigeria

ECOWAS waxay intaasi ku dartay baaq ay u dirayso masharaxiinta oo ah in ay muujiyaan deganaasho, haddii ay dhacdo in ay ka shakiyaan natiijadana ay maxkmadaha cabashooyinkooda geeyaan intii ay ku baaqi lahayeen rabshado.

Xaaladda ammaanka ayaa si ka gedisan sidii la saadaaliyey aad uga wanaagsan, lama soo sheegin dhacdooyin amni dara ah oo saamayn ballaaran ku keeni kara doorashada.

Inta badan dadka waxay isha iyo dhagtuba ku hayaan telefishenada iyo idaacadaha si aanay u seegin wararkii ugu dambeeyay.

Wadooyinka caasimadda Abuja-na weli waa kuwa maran inkastoo boolisku ay qaadeen xayiraadii dhinaca isu socdkaa ee la soo rogay maalintii codbixinta

Dhinaca ay u dhacdaba, waxa hubaal ah in laga wada dhowraya sida ay u dhaqmaan musharaxiinta marka lagu dhawaaqo natiijada.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...