Somalia: Sirdoonka Iiraan Oo Shaaciyey Qorshe 10-Kun Oo Dhallinyaro Soomaali Ah Loogu Daabulayo Dalka Yemen Si Ay Xuutiyiinta Ula Dagaalamaan

Qorshe UAE, Sacuudiga Iyo Qatar Dagaalka Shiicada Ka Dhanka Ah Ugu Adeegsanayaan Ciidamaynta Soomaalida Saboolka Ah + Ujeedada Safarkii Sh. Aala-nahyan Ee Muqdisho

Dalalka Imaaraadka, Sucuudiga iyo Qatar oo inta badan siyaasad ahaan bah-wadaag ah, arrimo badan oo maanta dunida ka taagana isku aragti ka ah ayaa dhammays tiray qorshe ballaadhan oo bilihii ugu dambeeyey ay ku hawlanaayeen kaasi oo ay ku doonayaan in ay ku diyaariyaan ku dhawaad 10-kun oo Maleeshiyaad Soomaali ah oo ka barbar dagaalamada xukuumadda taagta daran ee wadanka Yemen si ay uga difaaceen kooxda Xuutiyiinta Shiicada ee faraha baaas ku haysa dalkaasi.
Xogo Sirdoonka Iiraan la wadaagay warbaahinta ayaa tibaaxaya qorshahan qarsoodiga ah ee ay ku midaysan yihiin dalalka Imaaraadka, Sucuudiga iyo Qatar kaasi oo daarran sidii dalalkaasi u maal-gelin lahaayeen ugana shaqayn lahaayeen diyaarinta dhallinyaro mutadawiciin Soomaali ah oo mabaadii’ shiico nacayb ah inta lagu beero kadibna tababarro loo furo si ay degdeg uga mid noqdaan dagaalka ka dhanka ah kooxda Xuutiyiinta dalka Yemen ee Shiicada ah, iyada oo dalalkani cabsi weyn ka qabaan kacdoonka shiicada ee bariga dhexe ku fidaya. Cilmi-baadhe ka faallooda arrimaha siyaasadda iyo sirdoonka dalalka Bariga dhexe iyo Geeska Afrika oo u dhashay wadanka Iiraan oo waraysi siiyey telefishanka Press TV ayaa sheegay in safarka Wasiirka Khaarajiga Imaaraadku shalay ku tagay caasimadda Muqdisho uu salka ku hayo arrinkaasi xasaasiga ah oo in muddo ahba la hadal hayay. Telefishanka oo arrintan ka hadlay ayaa sheegay in dalalka Imaaraadka, Sucuudiga iyo Qatar oo ah dalal qani ahi doonayaan sidii ay qorshe cad uga yeelan lahaayeen kooxda Xuutiyiinta iyo dagaal dhinaca Madaahibta ah oo ku soo fida dalalkooda, si taasi ay uga badbaadaana ay dagaal adag la galaan kooxda Xuutiyiinta ee dalka Yemen iyo dhaqdhaqaaq kasta oo Shiicada Sucuudigu ka sameeyaan bariga wadanka Sucuudi Carabiya.
“Si ay uga faa’iidaystaan Dhallinyaro nolol doon ah oo ay dhaqaale badan ku bixiyaan waxa ay dalalka Sucuudiga, Qatar iyo Imaaraadku malaayiin doolar ku bixinayaan qorshe lagu diyaarinayo dhallinyaro Soomaali ah oo ka hawl gala gudaha dalka Yemen, kuwaasi oo ku shaqayn doona mashruuc lagu shaabadaynayo Jaamacadda Carabta oo qarsoodi ku shaqayn doona. Imaaraadka oo isagu hawshan qaybta ugu badan ka qaadan doona ayaa isku xidhaya qorshahan qarsoodiga ah” sidaa waxa yidhi Dr. Daie Mushruk oo ah khabiir la hadlay Press Tv.
Xogaha arrinkan la xidhiidhaa waxa ay intaasi ku darayaan in durba diiwaan gelin hoose ka socoto wadanka Soomaaliya oo lagu qorayo dhallinyarada la doonayo in mashruucan loo qaato iyada oo ay arrintaasi fududaynayso xukuumadda Muqdisho kuwaasi oo badankooda laga qoranayo Koonfurta iyo badhtamaha dalkaasi Soomaaliya kadibna si koox kooxo ah loogu daabuli doono dalka Yemen iyo Koonfurta Sucuudi Carabiya si ay dhinaca dhulka uga galaan wadanka Yemen, kuwaasi oo xoojin doona maleeshiyaadka taageera xukuumadda Sunniga ah iyo ciidamada ka amar qaata Cabdu-rabbu Mansuur Haadi.

IB0A7391

Mid ka mid ah ujeedooyinka qarsoon ee Safarka Wasiirka Arrimaha Dibadda Isu-tagga Imaaraadka Carabta, Sheekh Cabdalla bin Zayed bin Sultan Al Nahyan ayaa la sheegay in uu arrinkan dabada ku hayo isaga oo dhinaca kalena waddankaasi Soomaaliya u wada mashaariic horumarineed oo ay kala saxeexdeen maamulka Villa Soomaaliya si loogu qariyo arrinkan xasaasiga ah oo u shaqayn doona hab qarsoodi ah.

Foore

Comments

comments