Somaliland: Wasiir Ku xigeenka Khaarajiga Somaliland Oo Shir Kaga Qeyb-galay Holland

Date:

Wasiirku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland Mawliid Maxamuud Ibraahim, ayaa dalka Holland ka qayb-galay shir caalami ah oo lagaga hadlayay aqoonyahanka qurbajoogga ah ee dalalkoodda dib ugu soo noqdaa, sidii ay xirfadooda aqooneed ugu shaqeeyaan.

Shirarka noocaasi oo hay’adda socdaalka Caalamiga ah IOM Netherlands ay kala shaqayso dawlado badan oo jaalliyado ku leh dalka Holland iyo wadamada Midawga Yurub.

Shirkan oo shalay ka furmay xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Netherlands ee magaaladda Amesterdam, waxaa ka qayb-galay khubarro isugu jira maxalli iyo kuwo caalami ah xirfadleyaal tiro badan oo qurba joog ah, hay’adaha ku shaqada leh xidhiidhka jaalliyadaha iyo masuuliyiin ka socotay sagaal wadan oo ay ku jirto Somaliland.

Ujeedada loo qabtay shirkaasi ayaa ku saabsanayd in lagu gorfeeyo Mashruuca soo celinta ku meel-gaadhka ah ee xirfadleyaasha wadaniga ah (Temporary Return of Qualified Nationals), kaasi oo Hay’adda socdaalka adduunak u qaabilsan ee IOM Netherlands ay ka caawiso wadamo kala duwan.

wasiir ku xigeenka
Taasi ah saamaynta togan ee mashruucaasi, wakhtiga loogu tallo galay iyo in la dhiirri-geliyo sidii aqoonyahanka xirfadleyaasha qurba-jooggu ugu gudbin lahaayeen aqoonta iyo waayo aragnimada ay leeyihiin wadamada ay u dhasheen.

Muwaadiniinta aqoonyahanka qurbajooga ah ee Somaliland ee qaybta ka ah mashruucan ayaa illaa sannadihii u dambeeyay soo kordhayay iyagoo Mihnado shaqo oo kala duwan kaga hawlgala Hay’adaha kala duwan ee dawlada Somaliland.

Dhinaca kale Hay’adda caalamiga ah ee International Organization of Immigration (IOM) Netherlands waxay kala shaqaysaa mashruucan sagaal wadan oo Somaliland iyo Soomaaliya ku jiraan iyo Afganistan, Armenia, Cape Verde, Georgia, Ghana, Iraq, Moroco iyo Sudan kuwaasi oo isu gayntoodu ay dib ugu noqdeen 800 aqoonyahan oo qurba-joog.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...