Somaliland: “Guddoomiyaha Golaha Wakiilladu Abaalkii Loo Galay Guurtidu Muu Marin”

Date:

Xildhibaan Maxamed Maxamuud Yaasiin (Dheeg) oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Guurtida ayaa wareysi uu siiyey Wargeysyadda DAWAN iyo Somalilandtoday waxa uu kaga hadlay in wakhtiga Guurtidu u kordhisay Xukuumadda uu Komiishanku kaga gaadhsiin karo doorashooyinka.

Xildhibaan Dheeg waxa kale oo uu wareysigaasi ku soo hadal qaadayaa abaal uu sheegay in Golaha Guurtidu u galay Madaxwaynaha Somaliland iyo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada oo uu sheegay inay ka badbaadiyeen xil ka qaadis ay ku samayn lahaayeen Mudanayasha Golaha Wakiilladu.

Xildhibaan Dheeg oo ugu horeyn ka hadlaya abaalka uu sheegay inay Guurti ahaan u galeen Madaxwaynaha iyo Guddoomiye Cirro ayaa yidhi “Madaxwaynaha iyo Guddoomiyaha Golaha wakiilladu midna abaalkii loo galay Guurtidu muu marin, waayo saddex jeer oo guddoomiye Cirro ay sidaa u laad-laadinayaan dadkii doortey oo ay leeyihiin waannu rideynaa oo ay diyaar yihiin codadkii lagu ridayey, ayaanu u gurmanay oo lagu dhaartey oo la yidhi wallaahi bay daan rideynin. Waar Guurtiyeey na daaya ayay yidhaahdeen annaga ayaa dooranay Cirro oo waanu iska beddelaynaaye, waanu diidnay oo ma ridi kartaan oo uu fadhiyayaa ayaanu nidhi illaa inta Golaha wakiillada uu xilku ka dhammaanayo, sidii baanu ku joogaa, laakiin wuxuu abaalkayagii ka dhigay inuu yidhaahdo 3-da bilood oo Guurtidu ku saa’idisay wakhtigii lagu soo wada hadlay (xisbiyadu ku soo wada hadleen) ayaan sharafta kaga ridayaa Golaha Guurtida, laakiin sidaa Guurti sharaftu kaga dhici mayso, soona noqon maayo (Go’aankoodu), abaal laawena waanu u arkaynaa….”

Xildhibaan Maxamed Maxamuud Yaasiin (Dheeg) waxa kale oo uu sheegay inaan Komiishanka iyo xisbiyadu aanay doorashada ku qaban Karin xilliga ay xukuumadda u kordhiyeen “Haddii Komiishanka iyo xisbiyadu ay doorashada ka gaadhsiiyaan sanadkaa iyo tobankaa bilood waxba ma aqaan anigu, waayo qabyada u taalla ku dhamayn maayaan, muran bayna ku jiraan, waxay ku odhanayaan Siilaanyo ayaa sidaa yeeli jiray, waar qofku waxa wanaagsan ayaa lagaga deydaa, qaladkii Siilaanyo galay barigaa hore haddaad idinkuna maanta gashaan (Xisbiyadaw), waa khasaare kale uun, annaguna (Guurtida) mar kale ayuun baanu idinku kordhinaynaa…” ayuu yidhi.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...