Somaliland: “Berbera Waxa ay leedahay Mustaqbal Ifaya oo Dihin” James Jeffrey

Date:

James Jeffrey oo ka tirsan BBC ayaa ka qoray warbixin ka hadlaysa xaalada Berbera ay ku sugantay waqtigan, sidii taarriikhiyan ay beryo ahaan jirtay iyo mustaqbalkeeda ifaya.

Warbixintaas oo aan ka soo turjunay waxa ay u dhignayd sadan:- ‘Berbera oo ku taal ka soo horjeedka gacanka Cadmeed waxa ay mar ahaan jirtay xudunta marinnada ganacsi ee u dhexeeya gudaha Geeska Afrika iyo Bariga dhexe.

Waa deked ballaadhan oo la jaar ah Djibouti oo waqtigan heysata horyaalka ganacsiga gobolka.Quruxda naqshadaha qadiimka ah ee Berbera ee burbursani waxa ay isugu jiraan dhismayaal ka soo jeeda Cusmaaniyiintii iyo kuwa ay adeegsadeen jireen bulshooyinkii ganacsatada ahaa ee jiiraanka sida Carabta , Hindida, iyo Yuhuuda ee ay mar ku noolaayeen oo haatan si sibiq ah u sii baaba’aya.

Somaliland oo ahaan jirtay British Protectorate waxa ay xorriyada qaadatay 1960-kii, inkasta oo wax faro ku tiris ahi ka sii muuqdaan raadadkii gumaystaha ee Berbera.

Dhaqaalaha Somaliland ayaa ku tiirsan dhoofka xoolaha ee laga dhoofiyo dekeda Berbera ee casriga ah.
Adhiga iyo Geella ayaa loo diraa Saudi Arabia halka 70% waxyaabaha ka soo dega laga iibiyo Itoobiya oo la jaar ah.
“Somaliland waxa ay ahaan jirtey xarun ganacsi oo istaraateji ah ,” sidaa waxa yidhi Weli Daa’uud oo ka tirsan wasaarada maaliyada Somaliland. “Haatan waxa ay dowladdu u raadinaysaa dekeda maalgashi shisheeye.”
dekadda Berbera2

Xeebta Somaliland oo gaadhaysa 850km waxa ay hodan ku tahay kalluun xad dhaafa oo laga samayn karo suuq ballaadhan oo xaami ah. Haatanse, si ay tahayba tiro kooban oo kalluumaysato ah oo keliya ayaa ka xoogsada khayraadka badda hodanka ah ee ku weegaarsan. Waxa jira qaar soo jeediya in la adeegsado xeebaha dihin ee soo jiidanaya dalxiisayaasha.

Haseyeeshee Georgina Jamieson oo ka tirsan Haa’yad addeega tallo-bixineed oo saldhigeedu yahay UK ayaa waxa ay leedahay ma jiraan adeeg ku filan oo kaabayaasha dhaqaalaha ahi. ” Inkasta oo taasi qayb ka tahay bilicda, waa mid aad u dihin oo aan la taaban. Qaar ayaa leh waa sidii ay ahaan jirtay beryo oo kale Masar ka hor intaan la daah furin dalxiiskeeda.”

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...