Somaliland: Labada Gole Ee Baarlamaanka Oo Cod Aqlabiyad ah ku Ansixiyay Guddoomiyaha cusub Ee Maxkamadda Sare

Date:

Goleyaasha Baarlamaanka Somaliland ee Guurtida iyo Wakiilada ayaa fadhi wada jir ah oo ay maanta yeesheen, waxay ku ansixiyeen Guddoomiyaha cusub ee Maxkamadda sare Md. Aan Xaaji Cali Axmed oo uu dhawaan madaxweynaha Somaliland magacaabay.

Fadhigan oo uu Guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Guurtidda Md. Saleebaan Maxamuud Aadan, waxa ka soo xaadiray 122 Xildhibaan oo ka tirsan labada Golle.

.Gudoomiyaha Golaha Guurtida ayaa waxa uu xildhibaanadii labada gole ee madasha fadhiga ku sugnaa u sheegay in ay hortaalo arrin distoori ah, taas oo ah ogolaanshaha magacaabista gudoomiyaha maxkamada Sare garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed. Markii xildhibaanadii fadhiga ku loo akhriyay taariikhda waxbarasho iyo shaqo ee gudoomiyaha maxakamada sare, waxa la gudogalay cod u qaadistiisa.

Waxa gudoomiyaha cusub ee maxkammadda sare 110 xildhibaan, cid diiday ma jirin, waxa ka aamusay 11 xildhibaan, Guddoomiyuhuna muu codayn. Sidaana waxay xildhibaanada labada gole cod ku meel mariyeen ansixinta Gudoomiyaha cusub maxakamada sare garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed.


Gudoomiyaha cusub ee maxakamada sare garyaqaan Aadan Xaaji Cali ayaa hadal kooban oo uu warbaahinta u jeediyay waxa uu ka dareen celiyay sida uu u arko xilkan cusub ee labada gole u ansixiyeen, waxa uu yidhi “Runtii dareenkaygu wuxuu isugu jiraa laba, mid waan ku faraxsan nahay in labadii aqal ee baarlamaanku kalsooni I siiyeen. Midna runtii waa masuuliyad culus. markay bulshadda dhexdeeda noqoto wax-qabadka yaalla iyo Illaahay hortiisa waa masuuliyad culus.”
Guddoomiyuhu waxa uu u mahad celiyay madaxweyne Axmed Siilaanyo, waxaannu yidhi “Waxaan aad iyo aad ugu mahadinayaa Madaxweynaha Somaliland oo mansabkan ii magacaabay oo ii soo jeediyay iyo labada gole oo iyaguna Kalsoonidoodii igu siiyay inaan bulshada u shaqeeyo, waxaanan rajaynayaa inaan dadka u shaqeeyo oo inta awoodayda ah caddaalad iyo wax-qabad ku dedaalo Insha Allah.”

Dhawaan ayay ahayd markii uu madaxweynaha Jamhuuriyadd Somliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) digreeto madaxweyne xilkii kaga qaaday gudoomiyihii hore ee maxakamada sare Dr. Yuusuf Ismaaciil Cali, isla markaana ay labada gole cod ku aqbaqleen xilkaqaadistii uu madaxweynuhu ku sameeyay.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...