Burundi: Mucaaradka oo dibadbaxyo hor leh ku baaqay

Date:

Mucaaradka dalka Burundi ayaa ku baaqay dibadbaxyo dheeraad ah kaddib markii hoggaamiyeyaashii Beesha Bariga Afrika ay ku guuldaraysteen in ay ugu baaqaan madaxweynaha dalkaasi in uu ka tanaasulo damaciisa ah in uu xilkaasi mar kale u tartamo.

Hoggaamiyeyaasha Beesha Bariga Afrika oo shalay kulan ku yeeshay dalka Tanzania ayaa waxa ay ugu baaqeen madaxweyne Pierre Nkurunziza in ugu yaraan muddo bil iyo bar ah uu dib u dhigo doorashada, hindisahaasi oo uu soo dhaweeyay afhayeenka dowladda Burundi.

Balse mid ka mid ah hawlwadeenada mucaaradka oo lagu magacaaban Pacifique Nininahazwe ayaa sheegay in ay ka xun yihiin in hoggaamiyeyaasha urur goboleedkaasi aysan marnaba ugu baaqin madaxweyne Nkurunziza in uu ka tanaasulo go’aankaasi.

Dhanka kale, wasiirka arrimaha dibadda dalkaasi Burundi ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan ra’yiga madaxda waddamada gobolka balse ay tahay in la ixtiraamo madaxbannaanida dalkiisa.

Sidoo kale waxa uu beeniyay in dalkiisa ay ka jirto xasilooni darro, inkastoo kummanaan qof oo reer Burundi ah ay horraantii bishii May ka qaxeen dalka, iyaga oo ka cabsi qabo xasaaradda siyaasadeed ee isa sii taraysay.

Madaxweyne Nkurunziza ma uusan ka qaybgalin kulankaasi sababtuna waxa ay tahay dhawaan ayuu mar uu kulan kan la mid ah uu uga qaybgalayay magaalada Dar es salaam ayaa saraakiil ka tirsan milatariga waxa ay isku dayeen in ay dowladdiisa afgambiyaan balse inqilaabkaasi ayaa markii dambe dhicisoobay.

Go’aanka madaxweynaha uu mar kale xilkaasi u tartamayo ayaa waxaa ka dhashay dibadbaxyo rabshado wata.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...