Somaliland: Shaybaadh Casri ah Oo Lagu Baadhayo Tayadda Shiidaalka Oo Xalay Lagu Daahfuray Berbera

Date:

Somaliland ayaa markii u horaysay waxay soo iibsatay Shaybaadh casri ah oo loogu tallo galay in lagu baadho tayadda shiidaalka dalka soo gelaya, kaasi oo laga hirgeliyay xarunta haamaha kaydka shiidaalka ee Berbera.

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), oo xadhiga ka jaray shaybaadhkaasi lagu baadhayo tayada shidaalka oo laga hirgaliyay Haamaha Kaydka Shidaalka ee Dekedda magaaladda Berbera.

Madaxweyne Siilaanyo oo munaasibadii uu xadhiga kaga jaray shaybaadhkaasi hadal ka jeeidyay ayaa uga mahadnaqay Madaxda Haamaha Shidaalka horumarka ay sameeyeen, waxaana uu tilmaamay in ka xukuumad ahaan waxba kala hadhi doonin sidii horumar loogu samayn lahaa Haamaha Keydka Shidaalka ee Berbera.

[quote]“Marka u horaysa waxa aan jecelahay in aan dadweynaha reer Berbera aad iyo aad uga mahadnaqo sida sharafta iyo qiimaha leh ee mar walba noo soo dhaweeyaan iyo horumarka ay muujinayaan aad iyo aad ayaan uga mahadnaqayaa una hambalyaynayaa. Waxa aan leeyahay haddii aynu halkan iskugu nimid waa lagama maarmaan in aynu gacmaha isku qabno oo Haamaheena wixii kor loogu qaadayo meel uga soo wada jeedsano waa lagama maarmaan”ayuu yidhi Siilaanyo.[/quote]

isagoo hadalkiisa sii watayna waxa uu yidhi “Waxa aan mahadnaq labaad u soo jeedinayaa Sheekh Saleebaan iyo inta la shaqaysa horumarka ay sameeyeen, waxaana jecelahay in aan ku sii talaabsano arrimahaa anaguna dhinacayaga xukuumad ahaan waxa aanu kale hadhaynaa ma jirto, gacan ayaan ka gaysanaynaa, wixii xil naga saaran waanu ka soo baxaynaa.
Mareeyaha Haamaha Keydka Shidaalka ee Dekeda Berbera Sheekh Saleebaan Siciid oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu ka waramay maraaxilkii uu soo maray hirgalinta shaybaadhkanai. waxaana uu tilmaamay inuu wax ka tari doono sidii dalka loogu soo waaridi lahaa shidaal tayo leh.

Waxaana ka soo qaybgalay Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Wasiirka Ganacsiga iyo Maalgashiga, Wasiirka Wasaarada Maaliyadda, Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigalinta, Marwada Madaxweynaha Somaliland, Taliyayaasha Ciidamada Qaranka iyo Booliska Maamulka Gobolka Saaxil iiyo ka degmada magaalada Berbera iyo marti sharaf kale.

Wasiirada Wasaaradaha Maaliyada, Arrimaha Gudaha, Ganacsiga iyo Warfaafinta oo iyaguna halkaasi ka hadlaya ayaa waxa ay sheegeen in Laabkan lagu baadhayo tayada shidaalka uu wax ka tari doono dhaqaalaha dalka iyo shaqo abuurka, waxaanay ku amaaneen Mareeyaha Haamaha Keydka Shidaalka waxqabadka uu muujiyay.

Dhinaca kale waxaa halkaasi ka hadlay xildhibaano ka tirsan Goleyaasha Guurtida iyo Wakiiladda iyo Cuqaal. Kuwaasoo ku majeertay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo waxqabadka la taaban karo ee ay ka fulisay dalka iyo Laabkan cusub ee laga hirgaliyay Haamaha Keydka Shidaalka ee Dekeda magaaladda Berbera, waxaanay tilmaameen in wax dhaxalgala yahay Laabkan.
Waxa kale oo munaasibadaa lagu soo bandhigay bandhig faneed loogu magac bixiyay cadawgu yuu kugu wiirsan, taas oo ay matalayeen labada majaajisle ee Jawaan iyo Sooraan.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...