Somaliland: Xukuumadda oo Guutooyin Ciidamada Qaranka Ah Ku Daad Guraynaysa Tukaraq

Date:

[quote]“Cabdiweli Oo La Sheegay Inuu Bishii Hore Safar Qarsoon Ku Yimid Tukaraq, Muddona Abaabul Dagaal Hoosta Ka Waday”.[/quote]

Dawlada Somaliland ayaa xalay ilaa Shalay Galabtii ciidamo gaashaaman iyo hubka noocyadiisa kala duwan ku daad guraynaysay Deegaamo Hoostaga Tukaraq ee Bariga Gobolka Sool,kadib markii ay halkaasi soo gaadheen Ciidamo badan oo aad u hubaysan oo ay soo dhoobeen Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland,Waxaana Xalay wararka naga soo gaadhay ayaa noosheegeen in ay suurta gal tahay inuu dagaal ka dhex qarxo xili kasta labada dhinac.

Sida warar kala duwan oo Xalay wargeysa Foore soo gaadhay ay noo xaqiijiyeen,Shalay galinkii hore ayay ciidamo aad u hubaysan oo ay soo dhoobeen Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland dhawr gantaal ku soo tuur tuureen Ciidamada Somaliland ee fadhiisimada ku leh Aaga Deegaanka Tukaraq kuwaasi oo sii teel teel ah sida la noo xaqiijiyay goobo kala duwan loogu bartimaameedsaday kuwaasi oo nasiib wanaag aan wax khasaare ah gaadhsiin Ciidamada Qaranka Somaliland waxaana la sheegay in tuur tuurkaasi kadib ay ciidamada Somaliland ka bilaabeen dhaq dhaqaaq Ciidan oo xoogan guud ahaan Gobolka Sool iyagoo heegan buuxa galay,una diyaar garoobay weerar kaga yimaad dhinaca Puntland,Waxa kale oo lanoo xaqiijiyay in Guutooyin Ciidanka Somaliland ah oo deganaa goobo kale oo ka tirsan Gobolka Sool loo qaaday Deegaanka Tukaraq ee ay Puntland soo dhigtay ciidan xoogan oo aad u hubaysan.

Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland Sareeye Gaas Ismaaciil Maxamed Shaqale ayaa Shalay ka baxay magaalada Hargeysa una kacay Gobolka Sool oo ay xaalad adag oo colaadeed ka taagan tahay,waxaana la filayaa inuu taliyuhu kormeer ku soo maray Jiidaha hore ee Ciidanka Qaranka Somaliland.

Qaar ka tirsan Ciidamadii Qaranka Somaliland ee deganaa Magaalada Laascaanood iyo Kalabaydh ayaa shalay galinkii hore loo raray deegaanka colaadu ka soo cusboonaatay ee Tukaraq iyo Gambadha halkaasi oo ay isku hor fadhiyaan ciidamada Qaranka Somaliland iyo Maleeshiyaad ka tirsan Puntland.

Wararkan ayaa intaa ku daray in Xili kasta uu dhici karo iska horimaad u dhaxeeya Ciidamada Somaliland iyo Maleeshiyaadka ka socda Maamulka Garoowe marka la eego xaalada deegaanka Tukaraq oo labada dhinacba Ciidamo tiro badan ay ku soo ururiyeen, oo haatan isku horfadhiya deegaano hoostaga Tukaraq.

War lagu baahiyay Shabakadaha Wararka Puntland ayaa lagu sheegay in Bishii hore uu safar qarsoodi ah ku yimid Degmada Tukaraq Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas, iyadoo intii ka dambaysayna maalinba maalinta ka dambaysa ay deegaankaasi Tukaraq soo gaadhayeen Ciidamo ka Amar qaata maamulka Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland oo u muuqda mid colaad abaabulaya.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...