Dahabshiil Group: oo $30,000 ugu deeqday qaxootiga ka soo qaxay dalka Yemen

Date:

Waxaa maanta Dahabshiil Group ay lacag ugu deeqday qaxootiga ka soo qaxay dalka Yemen ee ku jira xerada qaxootiga ee magaalada Bosaso.

Lacagta ay ugu deeqday Dahabshiil qaxootiga ayaa dhan 30,000 oo doolar, waxa ayna ku wareejisay gudiga gurmadka qaxootiga.

Munaasabadda lacagta ay kula wareegayeen guddiga gurmadka qaxootiga ayaa waxa ay ka dhacday xafiiska Mu’asasada Minhaaj ee magaalada Bosaso, waxaana ka soo qeyb galay madax ka socotay Dahabshiil Group, guddiga gurmadka qaxootiga iyo marti sharaf kale.

Waxaa ugu horeyn ka hadlay madasha Cali Maxamuud Xasan(Celaayo) oo ah maamulaha Dahabshiil ee deeganada Puntland waxa uuna sheegay in Dahabshiil group oo ka kooban shirkadda isgaarsiinta Somtel, xaawalada dahabshiil iyo bangiga dahabshil oo ka duuleysa masuuliyadda ka saaran shacabka ayaa waxa ay go’aansatay in ay taakulayso qaxootiga.

[audio_mp3 url=”http://horseedmedia.net/wp-content/uploads/2015/05/celayo.mp3″]

..Waxaan horey xafiis loogu shaqeeyo qaxootiga ka dhisnay  xerada oo leh internet iyo qaboojiye, waxaa kaloo guddiga ku wareejinaynaa dalado waaweyn oo aan ugu tala galnay in markii qaxootiga ka soo degaan doonta lagu nasiyo ayuu yiri Cali Ceelaayo.

Waxaa sidoo kale kulanka ka hadlay maareeyaha guud ee shirkadda Somtel Puntland Dr. Sayid Maxamad Cabdulle Xasan oo sheegay in ay muhiim tahay in la caawiyo dadka dhibaataysan ee soo qaxay, sidaa ogtihiina dahabshiil waxa ay ka qeyb qaadataa barnaamijyada lagu gar-gaarayo shacabka.

[audio_mp3 url=”http://horseedmedia.net/wp-content/uploads/2015/05/mareye.mp3″]

Waxa ugu dambeen ka hadlay goobta gudoomiyaha gudiga gurmadka qaxootiga Sheekh Axmad Yuusuf Daad waxa uuuna sheegay in aysan ahayn markii ugu horeysay ee dahabshiil ka qeyb qaadato tabarucaada loo fidiyo shacab dhibaataysan.

Si kastaba ha ahaatee lacagtan ayaa waxa ay qeyb ka noqonaysaa lacago horey loogu deeqay qaxootiga si loo amba bixiyo.

[audio_mp3 url=”http://horseedmedia.net/wp-content/uploads/2015/05/shekh.mp3″]

[image_slider]
[image_items link=”LINK_IMAGE” source=”http://horseedmedia.net/wp-content/uploads/2015/05/dahabshil-17.jpg”] Dahabshiil Group Ceremony [/image_items]
[image_items link=”LINK_IMAGE” source=”http://horseedmedia.net/wp-content/uploads/2015/05/dahabshil-15.jpg”] Dahabshiil Group Ceremony [/image_items]
[image_items link=”LINK_IMAGE” source=”http://horseedmedia.net/wp-content/uploads/2015/05/dahabshil-13.jpg”] Dahabshiil Group Ceremony [/image_items]

[image_items link=”LINK_IMAGE” source=”http://horseedmedia.net/wp-content/uploads/2015/05/dahabshil.jpg”] Dahabshiil Group Ceremony [/image_items]
[image_items link=”LINK_IMAGE” source=”http://horseedmedia.net/wp-content/uploads/2015/05/dahabshil-18.jpg”] Dahabshiil Group Ceremony [/image_items]
[image_items link=”LINK_IMAGE” source=”http://horseedmedia.net/wp-content/uploads/2015/05/dahabshil-12.jpg”] Dahabshiil Group Ceremony [/image_items]
[/image_slider]

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...