Somaliland: Madaxweyne Silaanyo oo u safray Magaaladda Berbera

Date:

Wafti uu horkacayo Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo),ayaa lagu wadaa in uu goor dhow usoo gaadho Magaalada Berbera ee Xarunta Gobolka Saaxil ka qeybgalka Munaasibad maalmahanba yagleelkoodu ka aawaanaa Guud ahaanba Berbera taas, oo lagu daahfurayo sida uu yeedhyeedhaha kasoo baxayaa tibaaxeen qalab casri ah oo lagu baadhayo Shidaalka ay Maraakiibtu kusoo waaridaan Haamaha Shidaalka Berbera.

Waxaana Magaalada Berbera maalimihii u dambeeyay ku sugnaa marti badan oo lagu casuumay ka qeybgalka Munaasibadaasi kuwaas oo intooda badani kasoo cag horeeyeen Waftiga Madaxweynaha islamarkaana, isugu jira Xildhibaano ka kala socda Labada aqal ee Baarlamaanka Somaliland(Guurtida-Wakiilada),fanaaniin iyo majaajileytayaasha Reer Burco ee Sooraan iyo Jawaan iyo waliba marti sharaf kale oo isugu jira Siyaasiyiin iyo madaxda dhaqanka Gobolada Somaliland, oo intooda badani kasoo kicitimeen Caasimada Hargeysa.

qalabkan loo keenay Haamaha Shidaalka Berbera kaas oo ducashada fooshiisu ka muuqatey howlawdeenada iyo Maamulka haamaha Shidaalka Berbera,oo iyagu u gogol xaadhayay sidii Munaasibadani u noqon laheyd mid shilis oo ka jawaab celineysa muhiimada qalabkani leeyahay, inkastoo aan la qiyaasi karin sida ay u agaasimeen, in ay u noqon doonto ta ay la doonayaan in lagu bandhigo Munaasibad qurux badan oo ka turjumeysa, faa,iidada uu u leeyahay qalabkani isticmaalka shidaalka Somaliland oo mudo badan u baahi qabey in la helo qalab lagu ogaan karo shidaalka xun iyo ka sida wanaagsan u sifeysan, maadaama khasaare badani hore uga soo gaadhi jirey Gaadiidka kala duwan, waana mid rajo badan laga qabo.

shidaal(2)Waxa kale oo munaasibadan kusoo fool leh si ay uga qeyb galaan habeen dambe Fanaaniinta Xidigaha Geeska  iyo koox dhaqameedyo kale oo katirsan barbaarta dhaqanka Somaliland, iyadoo ay dhinaca kalena goobta ku sugan yihiin Saxafiyiin badan, oo kala kasocda Talafishanka Qaranka iyo kuwa maxaliga ah oo iyagana dadweynaha Reer Berbera ku sheegeen in ay sitoos ah u gudbin doonaan Munaasibadaasi.

Dhinaca Kale Dadweynaha Kunool Magaala Xeebeeda Berbera ayaa, iyagu siweyn u tabaya Wakhtigan dhaqdhadhaqaaqyo badan oo xiliyadan oo kale Magaalada Berberi ;ahaan jirtey, islamarkaana, tabashooyin badan ka qaba, sixirka maceeshada iyo ascaarta Suuqyada kala duwan,iyadoo ay indhawaale joogsadeen xoolo badan oo loo waaridi jirey dhinaca dalkaasi Yemen, oo Magaalada Berbera Suqyadodu saameyn ku lahaayeen, waxaanay arintani u muuqataa in in Magaalada laga dareemayo juuc busaaradeed oo ay la qabto dalka intiisa kale,inkastoo ay marso ahaan ka dhaqdhaqaaq badan tahay Dekedo badan,oo kuyaala Somaliland,iyo Soomaaliya

Sikasta oo ay tahay munaasibadan lagu daahfurayo qalabka Sheybaadhka Shidaalka ee lagu soo kordhiyay kirkan Haamaha Shidaalka  ayaa, lagu wadaa in uu wanqalkeedu noqdo mid is muujin ah  Maadaama , Maamulka Haamaha Shidaalka Berbera oo aan howlaha haamaha iyo dhinaca Maamulka dowliga ah hore uga mid aheyni uu kula dherersanayo saraakiishii dhinaca Somaliland khibrada dheeraadka ah u lahaa Maamulka dekedda,iyo waiba amaan waxaana lagu wadaa inta la ogyahay in Munaasibadani noqon doonto mid balaadhan oo howsheeda leh,taas oo ay u dhegtaagayaan guud ahaanba Shacbiga Gobolada iyo Degmooyinka dalku masrixiyada ay u dhacdo.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...