Madaxweyne xigeenkii hore ee Somaliland, Axmed Yuusuf Yaasiin, oo ka hadlay muranka ka dhashay heshiiska asxaabta iyo muddo kordhinta guurtida ayaa sheegay in Madaxweyne Siilaanyo awoodo inuu muddada guurtida hore uga soo dhigo doorashada, waxaanu sharci aan la dhaafi Karin ku tilmaamay muddo kordhinta guurtidu samaysay.
Axmed Yuusuf Yaasiin oo u waramay Geeska Africa ayaa soo dhaweeyay heshiiska asxaabta iyo Xukumadda “Waxaan marka hore Saddexda Xisbi iyo Xukuumaddaba ku hambaliyeynayaa, go’aanka geesnimada leh ee ay qaateen, kaas oo ahaa mid uu Qaranku u baahnaa, oo ah mid geesnimo ah iyo tawaqiif ILLAAHAY ina waafajiyey, ka Umad ahaan, ka Dawlad ahaan iyo ka Xisbi ahaanba, waana wax ILLAAHAY loogu mahadnaqo, oo dhammaanteenba aynu ku mahadnaqno madaama aynu leenahay cadaw fara badan, oo inagu xeeran, gudde iyo dibadaba”.
Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland ayaa isaga oo ka hadlay go’aankii Guurtida waxa uu yidhi “Ta Guurtida waxa ay noqonaysaa meel aan la dhaafi karin, dabcan kordhinta Guurtidu waa Dastuuri, laakiin Madaxweynuhu wuxuu sameeyn karaa Digareeto uu kaga soo horeeysiin karo ka horna Madaxweynuhu Doorasho uu qaban karaa, ta Guurtidu waxa ay noqonaysaa meel aan la dhaafi karin, oo matalan haddii bil ama laba bilood dib loo dhaco, waxa ay haystaa wakhtiga ay sharciyadu ina siinayso, Tusaale ahaan Guurtidu wax ayey go’aamisay, laakiin Madaxweynuhu waxa uu soo saari karaa wakhtigaas wakhti ka horeeya sida 25 December oo kale, ta Guurtidu waa Dastuuri oo waxaana la haystaa wakhti lagu ciyaaro, si aanay Doorashado dib ugu dhicin,markaas waxa aan leeyahay waa arin ay Somaliland ku faanto inaynu arimaheena ku dhamaysano wada tashi iyo isku tanaasul”.