Somalia: Al-shabaab oo Askar ku gowracday Gobolka Gedo

Date:

Kooxda Al-shabaab ayaa xalay duleedka magaalada Luuq ee gobolka Gedo ka kaxeystay labo ka mid askarta ciidamada dowladda federaalka oo ku sugnaa guryahooda.

Maleeshiya ka mida Al-shabaab ayaa askartan u kaxaystay baadiyaha iyagoo halkaa ku gowracay labadii askari ee ciidanka dowladda ka tirsanaa.

Gudoomiyaha Degmada Luuq Maxamed Xuseen Cismaan oo warbaahinta uga waramay sida ay waxa u dhaceen ayaa sheegay in askartan ay fasax u qaateen in ay maalmo la soo joogaan qoysaskooda oo deganaa 17-km mee u jirta magaalada Luul.

Gudoomiyuhu wuxuu sheegay in askartan aysan wadan qoryaha oo ay uga tageen xerada ciidanka ee magaalada Luuq, Maxamed uu tilmaamay in ciidamada dowladda ay dadaal ugu jiraan sidii kooxda Al-shabaab uga hortagi lahaayeen in marka kale falkan oo kale fuliyaan.

Kooxda Al-shabaab ayaa qaybo ka mid ah weli kaga sugan gobolka Gedo iyagoo weeraro iyo dagaal gaadma ah ku qaada ciidamada ku sugan gobolka Gedo.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...