Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici iyo Hogaanka Xisbiga KULMIYE ayaa shalay kulan gaar ah oo wada tashi waxa ay ku yeesheen guriga Madaxweyne ku xigeenka Somaliland kaasi oo ay iskula jeexjeexeen taladii kama dambaysta ahayd ee ay la shir tagi lahaayeen Maanta oo Isniin ah marka ay hor fadhiistaan xisbiyada Mucaaridka ah kadib mudo toddobaad ku dhaw oo aanay wax xal ahi ka soo naaso caddayn gogoshii Madaxweyne ku xigeenku u fidiyay xisbiyada Mucaaridka ah si xal kama dambays ah looga gaadho khilaafkii siyaasadeed ee ka dhashay muddo kordhintii Golaha Guurtida.
Sida Wargeyska FOORE ku helay ilo xog ogaal ah oo shirkaasi ka ag dhawaa kulankaasi ayaa shalay galinkii hore waxa uu ku qabsoomay Madaxwayne ku xigeenka Somaliland kaasoo ay saraakiisha sarsare ee KULMIYE iyo Madaxweyne ku xigeenku kaga doodeen go’aankooda ugu dambeeye ee ay shirka maanta mar kale furmaya la tagi lahaayeen kaasi oo ay muddo shalay rogrogeen aadna uga niqaasheen. Sida ilo wareedyo shirkaasi u dhuun daloolay Wargeyska FOORE u sheegay waxa Kulankaasi lagu soo hadal qaaday Siday Xogtu sheegayso inaanay Xukuumadu Samayn Wax tanaasul Ah, xisbiyada Mucaaradkana ku qanciyaan in Loo baahan yahay in u hab-samaan loo qaato Go’aanka Golaha Guurtida, Markii madaxwayne Siilaanyo culays laga soo saaray dhinaca Guddoonka Golaha Guurtida.
Hogaanka xisbiga KULMIYE iyo Madaxweyne ku xigeenka ayaa kulankaasi la sheegay in ay iskula qaateen in ay saaka shirka la tagaan talo ku aaddan sidii xisbiyada qaranka ay ugu qancin lahaayeen in ay ka tanaasulaan diidmada ay ka muujinayaan go’aankii Guurtida kuna war geliyaan in ay sameeyaan tanaasul siyaasaasadeed kubadduna maanta dhinacooda taallo ee aanay xisbiyadu ku shaqayn dagaal siyaasadeed oo middi-middo ku taag ah wakhti bay yidhaahdeen duruufaha siyaasadeed ee ku gedaaman dalku halistooda leeyihiin loon abaahan yahay in lagaga gudbo is faham iyo isu tanaasul.
Si kastaba ha ahaatee go’aankaasi KULMIYE iyo xukuumaddiisu shalay ku kala tageen ayaa lagu tilmaami karaa mid dabka ku sii shidaya xaaladdii cakirnayd ee siyaasadeed ee ay iyagu u durbaan qaateen in ay damiyaan balse u muuqda mid aanay wax natiijo ahi ka soo muuqan iyada oo wali la kala taagan yahay sida muuqa meel fog. Waxa aynu eegi doonaa halka arrinkaasi sal dhigo marka ay maanta oo Isniin ah mar kale is wajahaan saddexda xisbi qaran iyo Madaxweyne ku xigeenku.
Xigasho Foore