Somaliland: Madaxweyne Siilaanyo oo magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare iyo Wakiilka Somaliland ee Itoobiya

Date:

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa maanta salaaddii duhur kadib soo saaray wareegto uu ku magaacay guddoomiyaha Maxkamadda Sare iyo Wakiilka Somaliland u fadhiyaya Itoobiya.

Aadan-Xaaji-Cali-Axmed-500x375
Aadan Xaaji Cali Axmed

Aadan Xaaji Cali Axmed oo muddo dheer bare sare ka ahaa Jaamacadda Hargeysa, isla markaana mar ahaa hormuudka Kulliyada Sharciga ee Jaamacadda Hargeysa ayaa loo magacaabay Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee Somaliland.

Aadan Xaaji wuxu sidoo kale muddo dheer ku soo jiray bulshada rayidka ah isagoo laba sanno guddoomiye ka ahaa Dallada Jilayaasha aan Dawiliga ahayn “SONSAF”.

Muddooyinkii u dambeeyey Aadan Xaaji Cali wuxu ka mid ahaa saddex qof oo warbaahintu saadaalisay in midkood loo magacaabi doono Guddoomiyaha Maxkamadda Sare.

Dhanka kale, Madaxweynuhu wuxu Maxamuud Aaden Jaamac Galaal u magacaabay Wakiilka Somaliland u fadhiya Itoobiya .

Jagada wakiilka Itoobiya ayaa bannaanayd ku dhawaad sannad kadib markii Aadan Nuux Dhuule xilka laga qaaday.

Hoos ka akhri war-saxaafadeedka oo dhammaystiran.

 

 

Date: – 24 /05 /2015

WAR-SAXAAFADEED

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu digreeto madaxweyne oo sumadeedu tahayJSL/M/XERM/249-3319/052015  uu ku magacaabay Gudoomiyaha Maxkamada sare iyo safiirka Somaliland u fadhiya dalka Ethiopia.

Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay:                     Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay:                     Qodobka 97aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay:                     Qodobka 101aad iyo 105aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey:            Talada iyo soo jeedinta Guddida Cadaaladda;

Markuu Aqoonsaday:       Baahida weyn ee loo qabo buuxinta jagada Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Qaranka;

Markuu ku Qancay:          Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;

Markuu Isku Qanciyey:     In uu hanan karo xilka Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Qaranka;

Wuxuu Go’aansaday

In Mudane, Aadan Xaaji Cali Axmed, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

 

 MAGACAABIDA WAKIILKA JAMHUURIYADDA SOMALILAND U FADHIYA DALKA ITOOBYA

Madaxweynuhu:-

 Markuu Arkay:                     Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, Xarafka (r) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

 Markuu Tixgeliyey:            Ahmiyadda Wakiiladda Somaliland u fadhiya dalalka dibaddu u leeyihiin dhismaha Qaranka;

 Markuu Arkay:                     In baahi loo qabo buuxinta jagada Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya Dalka Itoobya;

 Markuu Ka Fiirsaday:        Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;

 Markuu Ku Qancay:           In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;

 Wuxuu go’aansaday

In Mudane, Maxamuud Aaden Jaamac Galaal, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya Dalka Itoobya.

 

ALLAA MAHAD LEH

 

Naasir Yuusuf Daahir

Xoghayaha gaarka ah ee Xafiiska Saxaafada Madaxtooyada JSL,

ahna ku simaha af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...