Somaliland: Madaxweyne Siilaanyo Oo Kormeeray Qaybo Ka Mid Ah Magaalada Hargeysa

Date:

Madaxweynaha Qaranka Somaliland, Mudane Axmed Maxamd Silanyo waxa uu galabta markay saacadu ahayd 4:00 PM ilaa 6:15 PM uu kormeer ku soo maray suuqyada caasimada Somaliland ee Hargeysa, hotel Ambassador, iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland.

Kormeerkan Madaxweynuhu ku soo maray goobaha ugu muhiimsan caasimada ayaa daarnaa xogogaal u noqoshada xaalada guud ee shacbiga iyo goobaha ganacsiga.

Waxaanu madaxweynuhu socod lug ah ku soo maray badhtamaha laamiyada, suuqa koowaad ee waaheen, isaga oo gacan qaad iyo gacan tacantaagba u fidinaayey shacbigii ku sugnaa goobaha ganacsiga oo isugu jiray kuwo ka adeeganaayey iyo kuwii iibinaayeyba ama mulkiilayaashaba.

Madaxweynaha oo ganacsatada ku sugnaa suuqa waaheen qaar ka mida waydiiyey qiimaha qaar ka mida agabkii ku sharaxnaa miiska ayaa waxa ay indhihiisu qabteen calamada Somaliland ee xad dhaafka ah looguna diyaar garoobayey xuska 18 may oo ah maalin shacbiga Somaliland qiimo weyn ugu fadhida, isaga oo madaxweynuhu ka mid noqday dadkii laymanka ugu jiray inay iibsaday Calamada Somaliland.

Ka dibna waxa uu madaxweynuhu uga sii gudbay dhinaca hotel Ambassador oo uu la qaxweeyey wakhtina la qaatay dadweynihii ku sugnaa ee goobta joogay oo ay ka mid ahaayeen masuuliyiin iyo qaybaha bulshada.

Isaga oo madaxweynuhu badhtanka kaga jira kormeerkiisa xogogaal u noqoshada waxa uu soo maray suuqa labaad ee ugu balaadhan hargeysa ee loo yaqaan gobonimo, madaxweynuhuna dhex lugeeyey suuqa gobonimo ka dibna uga sii gudbay kaalinta indho-birta oo ka soo horjeeda suuqaasi, halkaasina uu madaxweynuhu ka tukaamaystay.

Ugu danbayna waxa uu madaxweynuhu soo kormeeray wasaarada Arrimaha gudaha Somaliland oo ah wasaarad cusub oo aad u qiimo badan dhawaana la dhamaystiray waxaana madaxweynaha ku soo dhaweeyey wasaarada wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland wasiir Cali Maxamed Warancade. madaxweynaha iyo marwada koowaad marwo aamina Weris Sheekh Maxamed Jirde oo ku wehelinaysay Madaxweynaha kormeerku waxay halkaasi ku qaateen qadar nasasho ah, ka dibna waxay ku soo hoyden qasriga madaxtooyada.

Waxaana kale oo madaxweynaha kormeerkan ku wehelinaayey.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Maxamed Warancade

Wasiirka Maaliyada Samsam Cabdi aadan

Xoghayaha gaarka ah ee Madaxweynaha Cali axmed Cali

Taliyaha Ciidanka Booliska, Cabdilaahi Fadal Iiman

Taliyaha Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada, Axmed Cali Maygaag

 

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...