UK: Dowlada oo Awood Dheeraad ah siineysa Ismaamulada Scotland & Wales

Date:

Xukuumada UK ayaa sheegtay inay awood dheeraad ah oo ismaamul siin doonto maamulada Scotland iyo Wales, sidoo kale Magaalooyinka Waaweyn ee England ayaa la sheegay in awoodo dheeraad ah la siinayo.

Tilaabadan ayaa ah mid uu Doonayo Raysalwasaare David Cameron inuu uga jawaabo dhawaaqa kasoo yeeraya gobalada UK iyo maamulka Scotland oo horey isagu codsaday madax banaani.

Maamulada Scotland iyo Wales ayaa heli doona awooda dheeraadka ah ee ismaamul sidoo kale Magaalooyinka waaweyn ee England ayaa lasiin doonaa awood dheeraad ah oo ay iskood isku maamulaan.

Sidan waxaa sheegay Wasiirka Maaliyada ee xukuumada UK George Osborne oo maanta oo Khamiis ah khudbad uu soo jeediyey ku sheegay;

“….Qaabkii hore ee Dowlada wax walba u maamuli jirtay oo amarka uga soo bixin jirtay caasimada London maaha mid hada shaqeenaya, taas baana keentay in Scotland iyo Wales aanu siino awoodo dheeraad ah, halkaas kuma joogsan doono sidoo kale Magaalooyinka waawyen ee England ayaa heli doono awoodo ay iyagu isku maamulaan…” ayuu yiri Wasiirka oo khudbadiisan kasoo jeediyey maanta magaalada Manchester oo uu booqasho ku joogo.

Magaalada Mancherster ayaa noqoneya magaaladii labaad oo iyadu soo dooran doonta Duqa magaalada, marka laga yimaado caasimada London.

Waxaana lagu wadaa in magaalooyinka kale ee waaweyn awood loo siin doono dhanka Booliiska, Guriyeynta, Gaadiidka iyo Isgaarsiinta.

Xukuumada Cameron ayaa awoodahan dheeraadka siinaya magaalooyinka kamid ah ismaamulka England oo iyaguna doonaya ismaamul lamid ah kan Scotland iyo Wales.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...