Somaliland: WADDANI Ku Baaqay Mudaharaad Farriin Loogu Dirayo Wefti Talyaani ah Oo Imanaya Dalka

Date:

Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa beeshiisa oo ah cida ugu badan ee taageersan ugu baaqay inay magaalooyinka dalka ka sameeyaan mudaharaado sharci darro ah iyo falal nabadgelyo darro ah oo uu ku booriyay inay ka dhiidhiyaan wax uu ku tilmaamay muddo kordhin Golaha Guurtidu u samayso Golaha Wakiiladda iyo Xukuumadda, maadaama oo ay dib u dhac ku yimid doorashooyinkii lagu waday inay dalka ka qabsoomaan 26-ka Bisha June ee fooda innagu soo haysa.

Sidaana waxa lagu sheegay shir jaraa’id oo hoggaanka sare ee xisbiga Waddani shalay ku qabtay magaalada Hargeysa, kaasoo ay masuuliyiinta Waddani si rasmi ah ugu sheegeen mudaharaadka ay ku baaqeen in taageerayaashoodu ka sameeyaan gobolada dalka oo dhan.
Mudaharaadkan sharci-darrada ah ee uu hogaanka xisbiga Waddani ku baaqay in taageerayaashiisu maanta sameeyaan ayaa waxa lagu beegay wefti ka socda dawlada Talyaaniga oo ka mid ah dawladaha aan jeclayn madaxbanaanida Somaliland ee sida weyn ugu ololeeya midnimadii Soomaali weyn ee bur-burtay, kuwaasoo uu sida la sheegay Xisbiga Waddani doonayo inuu Somaliland u tuso inay tahay meel aan deganayn oo ay ka jiraan qalalaase iyo rabshado la mid ah kuwa ka jira dalka Soomaaliya ee dagaalada wajiyada badani halakeeyeen. Taasina waa arrin khiyaamo qaran ah oo cadaynaysa haddii ay dhacdo inaanay Xisbiga Waddani iyo hogaamiyeyaashiisu aaminsanayn Somaliland iyo qadiyada madaxbanaanideedaba.

Mudaharaadkan ayaa waxa go’aamiyay Guddiga qarsoon ee mus-dambeedka u ah xisbiga WADDANI oo ay xubno ka yihiin siyaasiyiin iyo Ganaccsato ka soo jeeda beesha Guddoomiye Cirro, kuwaasi oo iyagu leh awooda kama dambaysta ah ee lagaga go’aan qaato socod siinta hawlaha maalinlaha ah ee xisbigaas iyo qorsheyaasha mustaqbalkaba.

Sidoo kale waxa guddigan awooda badani ay Guddoomiye Cirro ku aj-bureen (khasbeen) inuu ka noqdo heshiiskii saddexda xisbi qaran ay isku waafaqeen inay la hortagaan aqalka odayaasha, oo sheegayay in xukuumadda iyo wakiiladda loo kordhiyo muddo sannad iyo afar bilood ah. Arrintaasi oo ahayd fikir markii hore ka yimid xisbiga WADDANI isla markaana ay la qaateen xisbiyadda KULMIYE iyo UCID.

Guddiga Mus-dambeedku waxay saacidihii u dambeeyay ee habeen hore ay shir aan caadi ahayn oo ay iskugu yimaadeen ay Guddoomiye Cirro ku war-geliyeen inuu ka noqdo go’aanka uu la qaatay Hoggaamiyeyaasha axsaabta qaranka, waxaanay ku doodeen in heshiiskaasi uu galay uu yahay mid iskaga saamayn taban ku yeelanaya isla markaana aanay wax dan ahi ugu jirin xisbigiisa.

Sabtidii todobaadkan waxa Guddoomiyaha WADDANI Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) uu tagay xafiiska midowga Yurub ku leeyihiin Hargeysa, oo uu u bandhigay warbixin been abuur ah oo uu sumcadda dalka ku dhaawacayo, waxaanu u sheegay in Golaha Guurtidda iyo xukuumaddu ay isku kaashanayaan burburinta nidaamka dimuqraadiyadda Somaliland. Hase yeeshee waxa xafiiskaas ka masaxay arragtidii xaqiiqada ka fogayd Guddoomiyaha KULMIYE Muuse Biixi Cabdi oo u sharaxay heshiiskii saddexda xisbi qaran wada gaadheen iyo sidii xisbiga WADDANI uu uga baxay fikirkii uu soo jeediyay.

Dhaqdhaqaaqyadda xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI waxay muddooyinkan dambe noqdeen qaar qaranimadda Somaliland lagu dagaalamayo ka dib markii uu bishii hore Guddoomiyaha WADDANI kulan qarsoodi ah Turkiga kula yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya, isla markaana uu dawladda Finland oo uu dhalasho ka haysto ka dalbaday inay ku taageeraan dhaqaale uu ku galo doorashadda Somaliland, isagoo u balan-qaaday haddii uu ku guulaysto mansabka Madaxweynenimo ee uu tartamayo uu markaas ka dib dalka ku dhaqi doono inuu jamhuuriyadda Somaliland ka dhigo maamul goboleed hoos taga dawladda Fedaraalka Soomaaliya.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...