Ciidamada RRU-Da Ayaa La Wareegay Xarunta Guud Ee Xisbiga Mucaaridka Ah Ee Waddani Sida Ay Noo Xaqiijiyeen Madaxda Xisbiga Waddani Ee Ku Sugan Xarunta Guud Ee Xisbiga Waddani.
Ciidanka Oo Galay Gudaha Xarunta Guud Ayaa Madaxdii Ku Sugnayd U Sheegay Inaan Ilaa Amar-Dambe Ciddina Ka Bixi Karin Cidina Galikarin Xarunta Guud Ee Xisbiga.
Madaxda Ku Sugan Xarunta Guud Ayaa Waxay Kala Yihiin:
- Axmed Muumin Seed: Gudoomiye Ku Xigeenka Koobaad
- Cabdirashiid Maxamuud Cali (Riyoraac): Xoghayaha Qorshaynta
- Maxamud Cabdilahi Jamac (Gaagaab): Gudoomiyaha Dhalinyarada
- Saynab Ku Xigeenka
- Daa’uud Xuseen Foodcadde: Ku Xigeenka Xoghayaha Arrimaha Gudaha
- Jamaal Jaamac Xaamud: Ku Xigeenka Xoghayaha Guud
- Axmed Cilmi Yare: Xoghayaha Khayraadka Dabiiciga Ah
- Mujaahid Cabdi Burco
Dhinaca kale Madaxda Xisbiga WADDANI Ee Ilaa Xalay Loo Taxaabay Jeelka Ayaa Gaadhaya Inta La Ogyahay Ilaa 10 Masuul Oo Xisbiga Ka Haya Xilal Sarsare, Iyada Oo Qaarkood Ay Ciidamadu Ugu Daateen Guryahooda Halka Qaar Kalena Ay Ka Qabteen Magaalada Dhexdeeda.
Madaxda Xisbiga Mucaaridka Ah Ee WADDANI Ee Ilaa Hadda Jeelka Loo Taxaabay Ayaa Waxay Kala Yihiin:
- Deeq Xirsi Canbuur: Xubin Guddiga Fulinta Ah
- Cabdiraxman Maxamed Rooble (Cabdi Six): Xubin Guddiga Fulinta Ah
- Xasan Axmed Muuse: Xoghayaha Xanaanada Xoolaha
- Aamina Jirde: Xoghayaha Warcigelinta Gobolka Maroodijeex
- Maryan Maxamuud Dirir: Xoghayaha Garabka Haweenka Heerqaran
- Amaal Yuusuf Cabdi Indhacad: Afhayeenka Garabka Haweenka Heerqaran
- Mawlid Muuse: Gudoomiye Ku Xigeenka Gobolka Maroodijeex
- Maxamed Foore: Gudomiyaha Degmada Maxamuud Haybe
- Maxamed Sidiiq Cabdilaahi: Afhayeenka Garabka Dhalinyarada Heerqaran
- Maxamed Jamac: Gudomiyaha Wacyigelinta Degmada Axmed Dhagax
Sidoo Kale Waxaa Xidhan Jidka Halbawlaha Ah Ee Dhexmara Caasimadda Somaliland Ee Hargeysa Iyadoo Ciidamo Xad-Dhaaf Ahna La Geeyey Xaafadaha Iyo Dagmooyinka Magaalada.
Dhinaca Kale Iyadoo Hore Ay U Xidhnaayeen 10 Masuul Oo Ka Tirsan Madaxda Xisbiga Waddani Ayaa Hadda Waxa Jeelka Loo Taxaabay Xoghayaha Arrimaha Gudaha Mustafe Maxamuud Qodax.