Puntland: Weeraro dagaal & Qaraxyo dhacay Boosaaso iyo Yalho

Date:

Labo Qarax oo ah nooca Bambada gacanta laga tuuro ayaa xalay lagu weeraray Bar-kaantarool oo ciidamada dowladda Puntland ku lahaayeen magaalada Boosaaso goobta loo yaqaan Afar Irdoodka.

Qaraxyadan waxaa ku dhintay hal qof waxaana ku dhaawacmay saddex qof oo kale, dadka dhaawaca iyo dhimashada soo gaaray ayaa dhamaan tood ah dad rayid ah oo ka agdhawaa goobta ciidamadu joogeen.

Ciidamada ayaa howlgalo kala duwan ka bilaaya xaafadaha magaalada Boosaaso gaar ahaan xaafada New Boosaaso oo ah goobta ciidanka lagu soo weeraray ilaa xalayna waxay wadeen howl galkooda oo ay dad ku soo qab qabteen.

Dhanka kale Deegaanka Yalho oo qiyaastii 50 Km u jirta magaalada Boosaaso waxaa ka dhacay weerar gaadmo ah oo ay soo qaadeen maleeshiyaad ka tirsan ururka Al-shabaab oo ay ku qaadeen fariisan ciidamada Puntland joogeen waxaan ka dhashay dagaal socday waqti kooban.

Khasaaraha dagaalkan ayaan sicad loo ogeyn balse saraakiil ciidanka Puntland oo hadlay waxay sheegeen in jab gaarsiiyeen kooxdii dagaalka ku soo qaaday.

Bilihii u dambeeyey magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari waxaa ka dhacayey weeraro Qaraxyo iyo kuwo toos oo lagu qaadayey Baro-kantarool waxaan masuuliyadeeda sheganayey Ururka Al-shabaab.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...