Madaxweynaha Burundi oo xukunka u tartamaya

Date:

Maxkamadda dastuuriga Burundi ayaa u ogolaatay in mar kale uu madaxweynaha u tartamo xafiiska.

Madaxweyne Pierre Nkurunziza ayaa ballanqaaday inuusan mar sadaxaad tartamin taasi oo qeyb ka aheyd heshiis nabadeed oo la gaaray 2005tii, si loo dhameeyo in ka badan toban sano oo dagaal sokeeye.

Madaxweyne ku xigeenka maxkamadda, Sylvere Nimpagaritse, ayaa ka cararay Burundi ka hor xukunka, isagoo sheegay inuu la kulmay cadaadis daran oo hanjabaado dil ka mid yihiin si uu u ogolaado tallaabada. Wuxuu sheegay in afar ka mid ah todobada garsoore ay horay u sheegeen in isku dayga madaxweynaha uusan waafaqsaneyn qeynuunka balse lagu cadaadiyay inay badalaan taa. Dibadbaxayaasha ayaa ku soo laabtay wadooyinka xarunta Bujumbura.

Waxaa jirta cabsi ah in heshiiska nabadda jilicsan ee dalka uu burburo hadii madaxweynuhu ku adkeysto inuu awoodda sii joogo.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...