Somaliland: Xukumadda Oo Caalamka Dhaqaale U Waydiinaysa Qaxoontiga Yemen Ka Imanaya

Date:

Xukumadda Somaliland, ayaa wadda dedaalo Hay’addaha qaadhaanka bixiya kala xaajoonaysa sidii dhaqaale loogu heli lahaa Qaxoontiga Yemen ka imanaya ee Somaliland soo gaadhaya.

Wasiirka Khaarajiga Somaliland, Maxamed Biixi Yoonis, oo muddadan ku sugnaa dibada ayaa waraysi uu siiyay wargeyska the guardian ku sheegay inay filayaan qaxoonti gaadhaya laba kun oo Somaliland soo gaadha.

“Waxa aannu filaynaa in qaxooti gaadhaya ilaa 2 kun oo ka socda dalka Yemen ay soo gaadhaan Somaliland, taasina waxay noqon doontaa mid culayskeeda ah oo caqabad ah. waxa aannu hore u haynay qaxooti badan oo Itoobiyaan ah, qaar Soomaaliya ka soo yaacay iyo dad gudaha dalka ku baro-kacay, laakiin waxa aannu rajaynaynaa in beesha caalamku u timaad oo ay nagala shaqayso sidii loo badbaadin lahaa {qaxootiga Yemen.} ee u soo qaxaya dhinaca Somaliland,” ayuu yidhi Md. Maxamed Biixi Yoonis.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in dawladda Somaliland si dhaw ula socoto arrimaha khuseeya ammaanka si looga hortago in dad argagixiso ah ku soo dhex dhuuntaan qaxootiga Yemen, waxaannu yidhi; “Waxa aannu leenahay ciidan iyo hay’addo baadha qaxootiga Yemen, waxaanan diyaarinaynaa qorshayaal degdeg ah oo arrimahaas la xidhiidha, markaa iyadoo aannu soo dhaweynayno dadka qaxootiga ah ee Yemen, haddana waa in aannu feejignaano, isla markaana hubino in aanay xubno ama kooxo xag-jir ah noogu soo dhex dhuuman, annagoo si haboon oo sax ah u baadhayna, una kala hubinayna cidda qaxooti saxa ah iyo cidda kale ee dhib doonaysa.”

Warbixin wargeyska The Guardian ka qoray qaxootiga Yemen oo qaybo ka mid ah Wargeyska Jamhuuriya soo turjumay, ayaa lagu sheegay in dadka qaxootiga ah ee go’aansada inay gaadhaan dekedda Berbera ee dalka Somaliland ay ku qaadato safar dhan 12 saacadood oo ay ku jiraan badda, iyadoo sidoo kale masuuliyiinta Hay’adda UNHCR u sheegeen wargeyskaas in Somaliland hadda martigeliso qaxooti gaadhaya 2,153 (laba kun, boqol, konton iyo saddex) badankoodu yihiin Itoobiyaan iyo 6,805 (lix kun, siddeed boqol iyo shan) dadka baro-kacayaal ah, iyadoo ay intaasna dheer yihiin qaxootiga u dameeyey ee ka soo qaxay dagaalka Yemen.

“Qaxootiga Yemen   ee soo gaadhay Somaliland waxa ka mid ah carruur, dumar iyo odayaal waayeel ah, kuwaasoo sheegtay inay ka soo qaxeen dagaalka Yemen, gaar ahaan magaalada Ticis.” Sidaa waxa yidhi afhayeen u hadlay hay’adda Qarammada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR oo la yidhaah Carlotta Wolf.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...