Xogheyaha arrimaha dibadda ee Mareykanka John Kerry ayaa safar aan hore loo si shaacin kusoo gaarey maanta oo talaado ah magaalada Muqdisho.
Mr Kerry ayaa kasoo kicitimay magaalada Nairobi oo uu maalmahan ku sugna, waxaana booqashadiisa ay qeyb ka tahay safar uu ku marayo wadamada Geeska Afrika.
Amaanka magaalada Muqdisho ayaa si weyn loo adkeeyay, iyadoo la xirey dhamaan wadooyinka soo aada garoonka diyaaraddaha ee Aadan Cadde. Waxaa sidoo kale la xanibay duulimaadyadi garoonka.
Madaxweynaha Dowladda Federaalka ee Soomaaliya Xassan Sheikh Maxamuud iyo madaxda maamulada sida Puntland, Jubbaland iyo Koonfur-Galbeed ayaa ku sugna garoonka xilliga uu soo degayay.
Waxaa la filaaya in uu la qaato kulamo oo ay ka wada hadli doonaan xaaladda Soomaaliya, iyadoo si gaar ah diirada loogu saari doono doorashada sanadka soo socota ee 2016.
Booqashada John Kerry ayaa noqonaysa kii u horeeyay ee masuul sare ka tirsan Dowladda Mareykanka uu ku tago Soomaaliya tan iyo 1993-dii xilliga uu yimid Madaxweynihi hore ee Mareykanka George Bush.
Wixii kusoo kordha waan idin soo gudbin doona