Somalia: Shirkii Garoowe Uga Socda Xukumadda Xasan Sheekh Iyo Maamulada Kale Oo Burburay iyo Arrimaha Caqabadaha Ku Noqday

Date:

Maamulka Puntland ayaa burburiyay Kulamo saddexdii cisho ee u dambeeyay Magaalada Garoowe uga socday Madaxweynaha Xukumadda dhexe ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Maamulka Puntland Maxamed Cali Gaas, Madaxweynaha Jubbaland iyo Madaxweynaha Koonfur galbeed Somalia iyo wasiiro ka kala socda Maamuladaasi.

Kulanka dhinaca farsamada oo heer wasiiro ah lana filayay in laga soo saaro warmutiyeed iyo Heshiis ayaa burburay. Waxaa kulamadaasi lagaga hadlayay wanaajinta xidhiidhka Maamulada iyo waliba hiigsiga 2016-ka ee Somalia.

Cabdiwali Xirsi Cabdulle,Wasiirka Warfaafinta Maamulka Puntland, ayaa VOA u sheegay in kulankii heer wasiir ahaa Burburay islamarkaana haatan wasiiradu ku noqdeen meelihii ay ka kala yimaadeen balse wali Madaxda shirar u socdaan. Waxa uu ku eedeeyay Xukumadda dhexe inay ka baxday heshiisyo Maamulkooda Ra’isal wasaareyaashii hore ee Somalia la galeen. Dooda Puntland ayaa ku aadan sidii Gobol Somalia la damacsan tahay inuu ka mid noqdo Gobolada dhexe loogu soo dari lahaa Maamulka Puntland.

“Qodobada la isku mari waayay waxaa ka mid ah, sidaad la socotid waxaa jira, heshiisyo ay wada galeen Dawladda Federalka ah iyo Maamulka Puntland, in badan bay Puntland sheegtay in heshiisyadaasi fuli waayeen, waxaanuna leenahay dawladda dhexe ayay ka fuli waayeen. Waxa kale oo jiray hadalo badan oo heshiisyadaas ka hor imaanaya oo dawladda dhexe ka soo yeedhayay, oo xataa Madaxweynuhu ku jiro dadka hadalada carrabka ku dhufanayay. Heshiisya waxa ka mid ahaa sidii loo dhisi lahaa Maamulada iyadoo Dastuurka la raacayo,sidii Sharciga iyadoo la raacayo khayraadka loo qaybsan lahaa, qodobadaas baa ka mid ah waxyaabaha la isku marayo”

Masuulka u hadlay Maamulka Puntlad, ayaa sii sharaxay waxyaabaha caqabada ku ah xidhiidhka Xukumadda dhexe iyo Maamulka Puntland “Maamulka Puntland waa Maamulka kali ah ee jiray Xukumaddan Somalia horteed, sidaas darteed intii dawladda Federalka ah la dhisay wax Puntland uga soo kordhay oo ay ka dheeftay ma jiro. Shirar baanu qabanaa dadaalkii aanu galinay maamulka Puntland ee ahaa inay guud ahaan Umadda Soomaalida ah u qabato Dawaldda Federalka ahi ama gaar ahaan Puntland waxba kama socon.

Heshiisyada Ra’isal wasaareyaashii hore aanu wada galay waxaa ka mid ahaa in marka dawlad Goboleed loo samaynayo Somalia in Dastuurka la raaco oo laba Maamul iyo inka badan ay dawlad goboleed noqdaan.waxa kale oo heshiisyada ku jiray in Waqooyiga Gobolka Mudug uu ka mid yahay Maamulka Puntland, sidaasna heshiis aanu dawladda la galay ayuu ahaa, heshiiskiina ma fulin. Madaxweynaha Somalia markii uu ka hadlayay Cadaado iyo Dhuusomareeb,wuxu yidhi waxaanu maamul u dhisaynaa Mudug iyo Galgaduud, markii Madaxweynuhu noo yimid ee aanu ku nidhi Hadaladaas iyo heshiiskii hore way is burinayaan ee ama heshiiskii Ra’isal wasaareyaasha hore ha noqdo mid jira ama hadda nala gal heshiis, qoladii dawladda ka socotay way diiday, Sidaas ayaanu kulankii ku burburay” ayuu yidhi Wasiirka Puntland.

Wasiirka Warfaafinta Maamulka Puntland waxa uu sheegay in wali kulamo u socdaan Madaxweynaha Somalia iyo Madaxda Maamulada Puntland,Jubbaland iyo Koonfur galbeed Somalia balse kulamadii guddida wada hadalka u metelaysay dhinacyadaasi oo ahaa Heer wasiir haatan kala tageen shirkooduna Burburay.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...