Somaliland: Shirkad Ingiriis Ah Oo Ka Hadashay Sababaha Ay U Hakisay Hawlgal Shidaal Baadhis Ah Oo Ay Somaliland Ka Bilaabi Lahayd

Date:

Shirkad Laga leeyahay dalka Ingiriiska oo dhinaca shidaalka qaabilsan, ayaa shaacisay in hakad ku yimi hawlgal ay ka bilaabi lahayd dalka Jamhuuriyadda Somaliland oo ay heshiis dhinaca baadhista shidaalka ah kula jirto.

Qoraal ka soo baxay Shirkadda la yidhaah Sterling Energy PLC shalay oo nuqul ka mid ah Wargane News soo gaadhay, ayaa lagu sheegay in shirkadaasi hawlo dhinaca ammaanka la xidhiidha sababeen in dib-u-dhac ku yimaad hawlgal shidaal sahamin ah oo ay ka bilaabi lahayd gudaha Somaliland.

“Dib-u-dhac ayaa ku yimi hawlgalo aannu ka bilaabi lahayn Somaliland, kuwaasoo u joogsaday ilaa inta dawladda Somaliland samaynayso ciidammo si fiican u tababaran, una qalabaysan oo qaabilsan ilaalinta iyo ammaanka goobaha laga baadhayo shidaalka, iyadoo la doonayo in ciidankaasi (Somaliland Oilfield Protection Unit) ay sugaan ilaa xad heerka ammaan ee looga baahan yahay dhammaanba degaannada laga bilaabayo hawlaha sahaminta shidaalka.” Sidaa waxa lagu yidhi qoraalka ka soo baxay Shirkadda Sterling.

Waxa kaloo Shirkadda Ingiriiska ah sheegtay in Somaliland looga baahan yahay inay abuurto ciidan awood buuxda u leh inay sugaan hawlaha shidaal sahaminta ah ee laga bilaabayo gudaha degaannada Somaliland.

Shirkadda Sterling Energy PLS, ayaa qorshuhu ahaa inay hawlo shidaal baadhis ah ka sameeyaan degaannada Oodweyne ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland, iyadoo shirkadaasi heshiis la gashay Somaliland sannado ka hor, balse aanay ilaa hadda wax tallaabo ah qaadin, waxayna ka dhursugaysaa inta la samaynayo ciidanka loogu talogalay inay ilaaliyaaan goobaha shidaalka iyo shirkadaha shidaalka baadhaya, kaasoo weli si buuxda loo diyaarin loona hawlgelin.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...