Somaliland: Midawga Yurub Oo Shuruud Ku Xidhay Maalgalin Ay Ku Sameeyaan Ciidanka Ilaalada Xeebaha iyo Jawaabta Somaliland Ka Bixisay

Date:

Dalalka Midowga Yurub, ayaa shuruud ku xidhay taageero buuxda oo ay siiyaan Ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland si ay awood xooggan ugu yeeshaan ka qaybgalka sugidda ammaanka Badda Cas.

Sida ku cad warsaxaafadeed ka soo baxay EU-da maalintii Isniinta oo nuqul ka mid ah Jamhuuriya helay, taliyaha ciidanka Badda Midowga Yurub ee qaabilsan la-dagaallanka budhcad-badeedda, si gaar ahna uga socday ciidanka badda Sweden Rear Admiral Jonas Haggren oo hadal ka jeediyey kulan ay markab dushii kula yeesheen masuuliyiin ka tirsan dawladda Somaliland, ayaa xaqiijiyey in loo baahan qaab-dhismeed sharci ah iyo xeer loo sameeyo ciidanka Ilaalada Xeebaha si loo sii xoojiyo taageerada loo fidiyo.

 

“Qaab-dhismeed sharci ah oo loo helo Ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland waxay keenaysaa in beesha caalamku si fiican u taageerto dhismaha awoodda ciidanka badda Somaliland, tallaabadaas (sharcigaasi) oo keeni karta in si wax-ku-ool ah oo sida hadda ka badan loo taageero,” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka Midowga Yurub.

Dhinaca kale, Simonetta Silvestri oo ah Ku-xigeenka Madaxa Hawlgalka Ciidanka Badda Midawga Yurub (EUCAP Nestor), ayaa kulankaas ka sheegay in Somaliland looga baahan yahay hiigsi ah inay si faahfaahsan u soo bandhigaan dhinacyada ay u baahan yihiin in laga taageero.

“Waxa aad u baahan tihiin hiigsi (vision), maadaama dalkani yahay waddankiinna, waxaanad tihiin mid hore u socda, waxana la iidinka baahan yahay inaad noo sheegtaan dhinacyada aad u baahan tihiin in aannu si fiican idiinka taageerno,” ayuu yidhi Simonetta Silvestri.

Waxa uu intaa ku daray muhiimadda ay leedahay in hay’adaha ammaanka iyo sharci-fulinta Somaliland wada-shaqayn buuxda yeeshaan si natiijo midho-dhal ah looga gaadho ammaanka badda iyo la-dagaallanka dambiyada ka dhaca biyaha.

Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka Somaliland Mr. Axmed Xasan Aadan oo ka jawaabay shuruudaha Midowga Yurub soo jeediyeen, ayaa xaqiijiyey in qabyo-qoraalka xeerka aasaaska Ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland diyaar yahay, si degdeg ahna loogu gudbin doono baarlamaanka si ay u ansixiyaan mustaqbalka dhaw, isagoo sidoo kalena u mahadnaqay ciidanka badda ee EU-da oo uu xusay inay taageero hordhaca ah siiyaan ciidanka badda Somaliland.

Hawlgalka Rayidka ah ee Midowga Yurub oo la yidhaa EUCAP Nestor, isla markaana hoostaga siyaasadda iyo difaaca guud, waxa uu dalalka Geeska Afrika ka taageeraa dhismaha iyo awoodda lagu xoojinayo tayada ilaalinta amniga xeebaha, gaar ahaan la-dagaallanka budhcad-badeedda.

Sida lagu sheegay warsaxaafadeedka Midawga Yurub, wasiirro xukuumadda Somaliland ka tirsan, Xeer-ilaaliyaha Guud, Badhasaabka Gobolka Saaxil, Maayirka Berbera, saraakiil ka socday ururrada aan dawladiga ahayn iyo taliyeyaal EU-da ah, ayaa kulan ku yeeshay dusha sare ee markab dagaal oo ciidammada Yurub leeyihiin, kaasoo lagaga wadahadlay sidii la isaga kaashan lahaa ammaanka biyaha badda iyo la-dagaallanka budhcad-badeedda, iyadoo sidoo kalena kulankaas lagu falanqeeyey mustaqbalka ciidanka ilaalada xeebaha Somaliland.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...