Turkey: Gudoomiye Cirro Oo La Kulmay Dibloomaasiyiin Turkiga ah

Gudoomiyaha Golaha Wakiilada JSL ahna Gudoomiyaha Xisbiga mucaaridka ee WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo weli ku sugan dalka Turkiga ayaa maanta xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Turkiga ku qaabilay Ambassador Hulusi Kilic, Director General for Africa, waxaana weheliyey Mr Aykut Kumbaroglu, Deputy Director General, Deputy Directorate General for Eastern Africa iyo Mr Ismail Aydil, First Secretary, Deputy Directorate General for Eastern Africa.

Gudoomiyaha iyo Dibloomaasiyiintani waxay ka wada hadleen sii xoojinta cilaaqaadka Turkiga iyo Somaliland. Gaar ahaan sidii labada dawladood ee Somaliland iyo Turkigu isaga kaashan lahaayeen dhinacyada horumarinta iyo sidii ay baarlamaanka labada dal ay isu kaashan lahaayeen isla markaasna baarlamaanka Somaliland tababaro ugu soo qaadan lahaayeen dalka Turkiga:

sidoo kale Guddoomiye Cirro iyo Dibloomaasiyiinta la kulmay waxay ka wada-hadleen sidii dawladda Turkigu u kordhin lahayd kaalmada mashaariicda horumarineed ee ay Somaliland siinayso iyagoo si gaar ah u xusay kordhinta deeqaha waxbarasho oo ay dawladda Turkigu Somaliland siiso.

Kulanka dhex maray Guddoomiye Cirro iyo Dibloomaasiyiintan waxa aad loogu lafo-guray geeddi socodka hannaanka dimuqraadiyadda gaar ahaan doorashooyinka isa-saaran ee Madaxtooyada iyo Golaha wakiilada ee ku soo fool leh Somaliland iyo sidii ay doorashooyinkaasi u noqonlahaayeen qaar xor iyo xalaal ah.

Labada dhinac waxay isla garteen in kulamo dambe oo arrimahan farsamo ahaan lagaga wada hadlo laysugu yimaaddo bisha soo socota. Guud ahaanna kulamadani waxay ku soo dhamaadeen jawi is faham iyo natiijooyin wax ku ool ah leh.

Comments

comments