Somalia: Maleeshiyaad kawada tirsan Al-shabaab oo ku dhex dagaalamay Gobolka Hiiraan

Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in dagaal ku dhex maray maanta deegaamo ka tirsan gobolka maleeshiyaad ka wada tirsan Ururka Al-shabaab, Dagaalka ayaa dhaliyey dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray labada dhinac.

Deegaamada ay ku dagaalameen ayaa kala ah Halgan iyo Garasaani ee gobolka Hiiraan, Dadka deegaamadan ayaa warbaahinta u sheegay in dagaalku dhexmaray maleeshiyaad ka wada tirsan Al-shabaab waxaana ku dhintay Afar Qof iyo dhaawaca oo inta ka badan.

Dhimashada iyo dhaawaca ayaa ku kooban maleeshiyaadka wada dagaalamay ee Al-shabaab mana jirto khasaaro ka soo gaaray dadka deegaamadan.

Ilaa hada warar intaa dheer lagama hayo dagaalkan oo socday in ka yar saacad mana aysan ka hadlin maamulka Gobolka Hiiraan

Comments

comments