Somalia: Baarlamaanka Federaalka oo lacag ugu deeqay Qaxootiga Yemen ka soo baxsanays

Date:

Guddiga Joogtada ah ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa kulan ay maanta ku yeesheen magaalada Muqdisho waxa ay ku go’aamiyeen lacag uu Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ugu deeqay dib u soo celinta qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool dalka Yemen.

Kulankan oo ahaa shirka 55aad ee Guddiga Joogtada ah waxaa shir guddoominayey ku simaha Madaxweynaha dalka ahna Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayadoo gudoomiye ku xigeenka 2aad ee Baarlamaanka Mudane Mahad Cabdalla Cawad uu goobjoog ahaa waxaana shirka kasoo qeybgalay gudoomiyeyaasha guddiyada Joogtada ah ee Baarlamaanka iyo Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka.

Inkastoo ajandayaasha Guddiga Joogtada kulankooda horyaalay ay aad u badnaayeen hadana waxaa ajandaha ugu horeeyey laga dhigay islamarkaana waqti badan la geliyey xaalada ay ku sugan yihiin qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool dalka Yemen iyo sidii dib loogu soo celin lahaa Dalkooda ayadoo warbixin arintaasi la xiriirtana laga dhageystay Gudoomiyaha guddiga Arrimaha Dibadda ee Baarlamaanka Mudane C/qaadir Cosoble Cali oo isagu kulanka keenay warbixin guddigooda uu arintan kasoo diyaariyey.

Gudoomiye ku xigeenka 2aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Mahad Cabdalla Cawad oo markii uu kulankaasi soo gebageboobay kadib la hadlay Warbaahinta ayaa tilmaamay in Guddiga Joogtada ah go’aamiyeen in Baarlamaanka ku deeqo lacag gaareysa 300,000$ (Seddex Boqol kun oo Doollar) dib u soo celinta qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool dalka Yemen ayadoo lacagtanna laga jaray gunnada ama Mushaarka ay qaataan Xildhibaannada Baarlamaanka iyo howlwadeennada Golaha Shacabka.

Dhinaca kale Gudoomiye Mahad Cabdalla  Cawad ayaa tilmaamay in Baarlamaanku la tashiyo kala sameynayo xaalada dib u dejinta qaxootiga Soomaaliyeed ee dalka Yemen Xukuumadda, maamulka gobolka Banaadir iyo maamul goboleedyada dalka ka jira maadaama qaxootiga Soomaaliyeed ee Yemen ku nool lagu qiyaasay 750,000 ruux waxaana uu sidoo kale baaq u dirya hay’adaha kale ee Dowladda, maamul goboleedyada iyo qurba joogta Soomaaliyeed oo uu ku booriyey iney ka qeyb qaataan sidii walaalahooda Soomaaliyeed loosoo celin lahaa islamarkaana dib u dejin loogu sameyn lahaa.

Fulinta arintan waxaa loo xilsaaray oo dabagal ku sameynaya guddiyada Arrimaha dibadda, arrimaha gudaha,xuquuqul insaanka iyo arrimaha bulshada ee Baarlamaanka,sidoo kalena kulankii guddiga Joogtada waxaa looga hadlay ajandayaasha ugu soo horeeya ee Kalfadhiga 6aad oo furmi doona todobaadka soo socda ayadoo si gaar ah looga hadlay ansixinta Shuruucda Hortebinta u leh Golaha Shacabka sida dib u eegista Dastuurka,Federaaleynta Dalka, Dimuqraadiyeynta dalka, Axsaabta siyaasadeed iyo Doorashooyinka.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...