Ilhaan Cumar Oo La Aqal Gashay Tim Mynett

Date:

Warbaahinta Fox News ee dalka Mareykanka ayaa ku soo warrantay in xildhibaanad Ilhaan Cumar oo katirsan aqalka Kongreska ee dalka Mareykanka, lagana soo doorta Minesota ay shaacisay inay aqal gashay.

Ilhan ayaa barteeda Instagram-ka soo dhigtay sawir iyada iyo seygeed cusub ee Tim Mynett. Tim ayaa hore u ahaa lataliyaha Ilhan Cumar ee arrimaha siyaasadda.

“Waan guursaday, waxaan lamaane ku ahayn siyaasadda, haddana waxaana ku nahay noolasha, waa barako, Alxamdulilaah”, ayay Ilhan ku qortay sawir ay soo dhigtay barta ay ku leedahay Instagram-ka.

Xidhiidhka haasaawe ee Ilhan Cumar iyo Mynett ayaa soo shaac baxay sannadkii la soo dhaafay kadib markii xaaska ay wadajoogeen Mynet, oo lagu magacaabo Beth Mynett oo 55 sano jir ah ay dalbatay furriin.

Mynet ayaa haatan Ilhan Cumar u qaabilsan dhanka ololaha doorashada.

Warbaahinta Fox News ayaa ku soo warrantay in xaaska Mynett ay dalbatay furiin ka dib markii ay tuhuntay in saygeeda uu xidhiidh jaceyl la la leehay Ilhaan Cumar.

Sidoo kale bishii Oktoobar ee sanadii hore, Ilhan Cumar ayaa dalbatay inay kala tagaan seygeedi hore, Axmed Xirsi. Saddex carruur ah ayay isu dhaleen. Xirsi ayaa dhowr bilood kadib ku aqal galay Soomaaliya.

“Xidhiidhkeena guur waxa uu u burburay si aan ka soo kabasho la hayn,” sidaasi waxaa lagu sheegay dacwadda ay maxkamadda Minnesota u gudbisay Ilhan.

Waxay Ilhan sheegtay inay raadinayso sharci ilaalinaya carruurta waxayna maxkamadda weydiisatay inay u ogolaato goob sharciga waafaqsan oo si wada jir ah loogu hayo saddexda carruur ee ay isu dhaleen.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...