Somaliland: Golaha Wakiilada Oo Go’aan Ka Gaadhay Lacagta Lagu Soo Rogay Baabuurta Soo Degaysa

Date:

Golaha Wakiilada Somaliland ayaa maanta qaraar ku laalay Lacagta 80-ka Dollar ah ee laga qaadi jiray Gaadiidka dekedda ka soo degaya. Fadhigii golaha ee maanta ayaa la hor dhigay Mooshin loogu cadaynayo Lacagtaasi waxaanay badiba Mudaneyaasha kulanka ku sugnaa diidaan in Lacagtaasi la qaado.

Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo ku hadlay afka Mudaneyaasha soo gudbiyay Mooshinka lagu laalayay Lacagtaasi ayaa yidhi “Markaanu aragnay sixir bararka iyo dhaqaalo xumada ku habsatay shacabkeena dan yarta ah. Markaanu aragnay Lacagta gaadiidka lagu soo rogay inay tahay takaaliif aan soo marin golaha wakiilada, waxaanu gole weynaha u soo jeedinaynaa in la laalo tagaaliiftaas sharci darrada ah ee gaadiidka la saaray”

 

Fadhiga Maanta ee wakiilada oo ay ka soo xaadireen 59 Mudane, 39 Mudane ayaa Ogolaaday in la laalo Lacagtaasi 80-ka Dollar ah, halka 10 Mudane diiday, cid ka aamustayna aanay jirin, gudoomiyuhuna aanu codayn, sidaasi ayaanu ku meel maray go’aanka lagu laalay cashuurtaasi

Ganacsatada Gaadiidka soo dejisa ayaa Olole badan ka galay sidii lacagtaasi looga dhaafi lahaa kadib markii Xukumaddu ruqsad u siisay Shirkad xafiis ka furatay Berbera oo lagu sheegay inay ilaalinayso tayada gaadiidka islamarkaana gaadhigii kasta ee soo dega ka qaadaysa lacag dhan 80 Dollar.

Ganacsatada ayaa Lacagta ku tilmaantay mid dad gaar ah lagu naasnuujinayo looguna samaynayo Mashruuc ay lacag ku gurtaan, balse Wasiirka hawlaha Guud Cabdirisaaq Khaliif Axmed ayaa hore ugu dooday inay tahay lacag ay Wasaaraddiisu jidaysay oo lagu dhawrayo tayada gaadiidka dalka soo galaya.

Go’aanka ka soo baxay aqalka Wakiilada ayaa ka mid noqonaya go’aamada faro ku tiriska ah ee Goluhu ugu daneeyo Bulshada, kaasi oo aanay mucaarad iyo Muxaafad u kala hadhin.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...