Somaliland: Weftigii Hogaanka Kulmiye Oo Laascaanood Gaadhay

Weftigii Xisbiga Kulmiye ee uu hogaaminayay Gudoomiye Muuse Biixi Cabdi, oo maalmahan ku jiray socdaal ay gobolada bariga Somaliland ku marayaan ayaa lagu soo dhaweeyay Laascaanood, halkaasi oo loogu sameeyay munaasibad soo dhaweyn ah.

Gudoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi, ayaa taageerayaasha Kulmiye u sheegay in Xukumaddu waxbadan ka qabatay Degaanada Sool. Waxa uu sidoo kale xusay in ka hor Midawgii Somaliland iyo Somalia ay reer Sool jeclaayeen gooni isku taaga “Garaad Cali buu ahaa ninkii yidhi yaynaan deg-degin ee aan maamulkeenna dhisanno, kuwa diidanaana inaga ayay ahaayeen, maantana waxaan leeyahay waxaynu ku celinaynaa hadalkii Garaadku uu horay u yidhi”,ayaa ka mid ahaa hadalka Muuse Biixi.

Gudoomiye xigeenka Kulmiye Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed, ayaa isna madasha lagu soo dhaweeyay weftiga ka sheegay in wax badan loo qabtay reer Sool. Waxa uu sheegay inaanay hadda jirin waxay Bulshada Sool ku diidan tahay Somaliland.

Yaasiin Maxamed Shidde, Gudoomiyaha Sool, ayaa isna xusay inay jiraan waxqabad laga hirgaliyay gobolka Sool balse ilaa hadda bulshadu dhib ku qabto biyo la’aan. Waxa uu sheegay in waxa kaliya ee ay Xukumadda ka dalbanayaan tahay biyo la’aanta in wax laga qabto.

Weftiga ayaa socdaalka Laascaanood kadib gaadhay degaanka Gambadha oo bariga Magaalada ku yaala, halkaasi oo Ciidanka Somaliland ku leeyahay Saldhig. Fadhiisinka Ciidanka ayay dhawaan ka dhaceen shaqaaqo ciidanka dhexdeeda ah. Weftiga ayaa halkaasi dib uga soo laabtay iyagoo dhanka Burco u soo baqoolay.

Comments

comments