Yemen: Xuuthiyiinta oo culeys xoogleh saaray la wareegida Cadan

Date:

Xoogaga Shiicada ee Xuuthiyiinta ayaa culeys xoogleh saaray maleeshiyaadka difaacaya qeybo kamid ah magaalada Cadan ee koonfurta Yemen, waxaana la sheegay in Xuuthiyiinta ay dhul horleh la wareegeen.

Xoogaga Shiicada ah ayaa ahmiyad gaar ah siinaya magaalada Cadan oo ay doonayaan inay la wareegaan Dekkadeeda.

Dekkada Cadan
Dekkada magaalada Cadan oo ah magaalada labaad ee dalka Yemen ahna xarunta ganacsiga ee Yemen ayaa ah goobta ugu fudud oo ay kasoo degii karaan ciidamada Isbaheysiga Sucuudiiga hadii ay doonayaan inay soogalaan gudaha koonfurta dhulka Yemen.

Maraakiibta dagaalka ee hada ku sugan xeebta Cadan ayaa Isniintii shalay duqeymo la beegsaday qeybo kamid ah magaalada Cadan oo ay soo galeen xuuthiyiinta.

Balse duqeymaha cirka iyo dhanka bada ayaan hada u muuqan inay saameyn weyn aysan ku yeelan ciidamada Xuuthiyiinta oo u awood sheegtay maleeshiyaadka difaacaya Cadan oo ay kala wareegeen qaar kamid ah xaafadaha magaalada.

Dhinaca kale waxaan weli lagu guuleysan in la dhaqan geliyo xabad joojintii 24ka saac ahayd oo ay ku baaqday Bisha Cas.

Hay’adaha gargaarka ayaa walaac ka muujinaya xaalada dadka ku dhaqan magaalooyinka Sanca iyo Cadan oo ay muddo ku dhaw labo todobaad ka socoto duqeyn joogto ah.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...