China: Qarax ka dhacay Warshad weyn oo Kimikada soo saarta

Qarax xoogleh ayaa shalay gelinkii danbe ka dhacay Warshad kiimikada soo saarta oo ku taal magaalada Zhangzhou ee koonfurta dalka China.

Qaraxan ayaa gilgilay dhamaan deegaanada u dhaw goobta warshadaasi ku taal, waxaana la daadgureeyey dadka noolaa nawaaxiga Warshadaasi oo soo saarta kiimikada para-xyleen oo laga sameeyo Plastic iyo polyester.

Illaa iyo hada khasaaraha ka dhashay qaraxan ayaa lagu sheegay 14 qof oo dhaawac ah.

Maaha markii ugu horeysay oo warshadan qarax ka dhaco, sanadkii 2013 ayaa shil noocaan oo kale ah ka dhacay warshadaasi oo lagu eedeeyo inay khasaaro baaxadleh u geysatay bay’ada.

Comments

comments