Somaliland:Weftigii KULMIYE Oo Si Xamaasad Leh Loogu Soo Dhaweeyay Burco

Date:

Weftigii uu hogaaminayay Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta si balaadhan loogu
soo dhaweeyay Magaaladda Burco,waxaana ka hor-tagay kumanaan ka mid ah taageereyaasha xisbiga KULMIYE oo watay gaadiid tiro badan, ayaa gabi ahaan-ba saamayn ku yeeshay dhaqdhaqaaqii magaaladda Burco.

Weftigan waxa degmada Qoyta kaga hortgay Guddoomiyaha Gobolka Togdheer Maxamed Muuse Diiriye, Maayarka Burco Maxamed Yuusuf Muraad, Masuuliyiinta Xisbiga KULMIYE ee Gobolka Togdheer iyo taageerayaasha Xisbiga ee Togdheer.

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi ayaa la hadlay taageerayaashii soo dhaweeyay, ayaa u mahad-celiyay taageereyaashii soo dhaweeyay, waxaanu sheegay in xisbiga ay reer Burco tiir dhexaad u yihiin bulshadii taageertay doorashooyinkii kala dambeeyay ee ka dhacay dalka.

“Xisbga KULMIYE shacabku waxay u jecel yihiin oo Somaliland ku nagaaday, waa Nabadda, markaad Nabad heshana waxaad raadinaysaa horumar, KULMIYE-na waa Xisbiga Nabadda iyo horumarka markaad barwaaqo gaadhana waa inaad ILLAAHAY ugu mahad-naqdo barwaaqadaa oo aanad isku khilaafin, ee waxa la raadiyaa midnimo iyo wada jir, Xisbigeenna magaciisu waa Xisbiga horumarka iyo Nabada markaa KULMIYE waa saddexdaas oo la soo ururiyay,” ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi.
Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye waxa kale oo uu intaa ku daray “Mucaaridka weliba Xisbiga WADDANI waxa uu soo qaadaa oo uu yidhaahdaa KULMIYOOW waxaad samayn jirteen iyo waxaad ku hadli-jirteen baanu samaynaynaa KULMIYOOW ha is iloowbina markaad mucaaridka ahaydeen, waxaad lahaydeen, fagaaraynu uga sheegaynaa KULMIYE xaruntiisii laga aasaasay ee xuduntiisu ku aasan tahay waa Burco, Burco waa KULMIYE. Haddaba KULMIYE maxaanu samayn jirin?, waxaanu u sheegaynaa markii aanu doorashada galnay wakhtigii ugu horaysay inta doorashadii la galay baa la yidhi 80 cod ku dhaqaaqa.”

Muuse Biix waxa uu sheegay in Faysal Cali Waraabe iyo Cabdiraxmaan Cirro xiligii muddo kordhinta loo sameeyay Xukuumaddii Rayaale ay u hogaansameen tallooyin ay u soo jeediyeen, waxaanu yidhi “KULMIYE isaga oo Somaliland xeerinaya oo u tudhaya ayuu ogolaaday markhaatina waad ka ahaydeen, labadii Nin ee maalintaa ugu adkaa ee garbo-duubka noo xidhay ee yidhi danta qaranka dhaafi maysaan Cabdiraxmaan Cirro iyo Faysal Cali Waraabe oo UCID ah bay ahaayeen. wey na qabteen KULMIYE-na wuu ogolaaday, iyagana maanta maxaa laga rabaa?, iyadda oo ay taasi jirto oo 5 sanno aanu mucaarid ahayn ayaa wakhtigii dhacay oo la yidhi waa la kordhinayaa oo KULMIYOOW karkaaga la fadhiiso oo qabow waa tii Madaxtooyada la isku tagay, waa nala garbo-duubay oo labada xadhig ee ugu waaweyn ee nalagu jiiday Cirro iyo Faysal baa nagu xidhay. Maalintaa wey mahadsanaayeen oo danta qarankay ayay ka talinayeen annaguna waanu qabsoonay, mar labaad baa la kordhiyay mar labaadkiina sidii oo kale ayaa dhacday.”


Guddoomiye Muuse Biixi waxa uu intaas ku daray “Mar walba UCID oo Cirro iyo Faysal iskaga hooseeyeen ayaa garbaduub nagaga dhigay kama xumin, waayo marka ay dhibaato timaado waa inaad u qabsoontaa cida aad wax wada leedihiin iyaguna wey na qabteen annaguna waanu u qabsoonay. Haddaba maanta maxaa yaalla? Xisbiga WADDANI waa imisa jir, Xisbiga WADDANI isaga oo saddex sanno maraya oo maalin qudha la odhan fadhiiso ayuu durba karayaa oo la hayn kari la’yahay.”

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Xisbiga KULMIYE Maxamed Kaahin Axmed ayaa sheegay in Xisbi ahaan ay fuliyeen balan-qaadyadii ku xusnaa Barnaamijkii xisbiga KULMIYE ee ay doorashada ku galeen, waxaanu yidhi “Goobtan aynu ka hadlaynaa waa xaruntii Xisbiga KULMIYE uu kala hadli jirnay taageerayaashiisa xiligii doorashadii Madaxtooyada loo tartamayay, Xisbiga KULMIYE xiligaa Barnaamji buu idiinla yimid oo shantii sannadood Barnaamijkii uu idiinla yimid wuu ka dhamaaday , haddana waxa uu gacanta ku hayaa waa saayid ka badan Buugaa Barnaamijka uu idiinla yimid . Doorashada dambe Barnaamijka aanu yeelanaynaana, saaxiibadayada Xisbiyada Mucaaridka ahna waxaanu leenahay walaalayaal tartan baa inaga dhexeeya.”

Guddoomiyaha Gobolka Togdheer Maxamed Muuse Diiriye oo halkaasi ka hadlayna waxa uu yidhi “KULMIYE in badan baad sugayseen oo Xisbiyadu is weydaaranayeen, maanta iyaga oo oodoodii wata ayay Burco marayaan hormoodkii Xisbigu, waxa la innooga baahan yahay sidii aad u taageerteen ee aynu markii hore u dhisnay in aynu imikana u dhisno.”

Maayarka degmada Burco Maxamed Yuusuf Muraad ayaa sidoo kale isaguna halkaasi ka hadashay waxaanu sheegay in Xisbiga KULMIYE aan lagula tartami karin Burco, waxaanu yidhi “Waxaanu idinku soo dhaweynaynaa halkii la idinku doortay iyo Ummad idin heegan ah oo markii horeba idin dooratay, maantana idinla diyaar ah inay mar labaad iyo saddexaadba idin doorato, KULMIYE isaga oo aan dawlad haysan oo Xisbi mucaarid ah ahaa ayuu ku soo baxay doorashadii madaxtinimada Somaliland. Maantana iyadda oo Xisbigii iyo dawladiiba ay KULMIYE tahay ma cidbaa ina hunguraynaysa.”

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...