Kenya:Bandaw lagu soo rogay Waqooyi beri Kenya

Date:

Bandaw habeenkii ah ayaa lagu soo rogay magaalooyinka Garissa, Wajir, Mandera iyo Tana River.

Bandawgan oo manta dhaqan galaya ayaa socon doona illaa iyo 16-ka bishan Abriil.

Waxa uu yimid kadib weerarkii ka dhacay jaamacada magaalada Garissa, oo ay ku dhinteen 147 qof, sida ay sheegtay wasaarada amniga gudaha.

Dawladdu waxa ay sheegtay in hawlgallkii ka socday jaamacada hadda la soo gabgabeeyey, iyadoo dhammaan dableydii weerraka soo qaaday oo afar qof aheyd la sheegay in la dilay.

Ardaydii ka soo badbaaday weerarka ayaa qaarkood waxa ay ka sheekeeyeen sida dadka masiixiga ah gooni loogu soocayay si loo dilo.

In ka badan 800 oo arday ayaa jaamacadaas wax ka dhiganayay.

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in ay jirtay digniin ah in jaamacadaasi ay khatar ugu jirtay in la weeraro.

Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda amniga gudaha Monica Juma ayaa BBC-da u sheegtay in khatarta Al-shabaab ee Kenya ay tahay mid cad.

Dawladda Kenya waxa ay sheegtay in ay abaal gud la siin doona ciddi keenta macluumaad horseeda soo qabsahda ninka la aaminsanyahay in uu weerarkasi soo qorsheeyay Maxammed Maxamuud Kuno oo hore u ahaa macallin dugsi sare oo oo u dhashay Kenya, balse hadda la aaminsayahay in uu Soomaaliya joogo.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...